Xasan oo ka hadlay doorashada Aaqalk Sare iyo tan madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee wakhtigiisa uu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Doorashada Aqalka Hoose iyo kan Sare ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ahmiyad u tahay in wakhtibadan kadib lasoo dhameeyo Doorashooyinka Labada Aqal ee dalka.

Xasan waxa uu sheegay in Xildhibaanada Labada Aqal looga baahan yahay inay dhisaan Guddiyada laga soo kala xuli lahaa labada dhinac ee ka shaqeyn lahaa Doorashada heerka Madaxweyne waxa uuna ku baaqay in si ay kalsooni ku jirto lagu soo dhiso xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Waxa uu tilmaamay inay u harsan tahay kaliya Doorashada Heerka Madaxweyne waxa uuna ku baaqay in Guddoonka Sare ee labada Aqal ay si dhaqsi ah kusoo dhisaan Guddiga, si buu yiri looga gudbo Doorashada Heerka Madaxweyne ee iminka harsan.

”Waxaan kasoo gudubnay qeybihii ugu adkaa waxaa inoo harsan qeyb aad u yar oo fulinteeda looga baahan yahay Guddoonka labada Aqal iyo Xildhibaanada dooran lahaa Madaxweynaha”

”Waxaan Guddoonka uga fadhinaa dadajinta howlaha harsan waxaana rajeyneynaa in Doorashada ay ku qabsoonto xiligeeda”

Geesta kale, Madaxweynah ayaa mahad-celin iyo hambalyo u jeediyey guddoonkii KMG ahaa iyo guddigii doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo si hufan ugu guuleeystay qabsoomida doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com