Xasan oo saddex maalin, kadib dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay Garoowe + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii afaraad ku sugan Puntland, ayaa maanta dhaq-dhaqaaq ka bilaabay gudaha Garoowe, kadib saddex cisho oo uu ku sugnaa halkaasi.

Madaxweynaha ayaa markii hore ku mashquulay wada-hadallada xalka loogu raadinayo mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna shirar aan loo kala kicin la yeeshay hoggaamiyaha maamulkaasi, Saciid Deni.

Inta badan wada-hadallada oo qaatay wax ka badan muddada loo qorsheeyey safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa xalay soo dhammaaday, waxaana labada mas’uul ay si wadajir ah uga soo muuqdeen munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Garoowe.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud iyo Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray  xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland, halkaas oo uu ku soo dhoweeyey  Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee wasaaraddaasi.

Ugu horreyn wasiir Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa qaabka ay u shaqeyso wasaaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga Puntland iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta la kulmi doono dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, kadibna wuxuu dib ugu soo laaban doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe ayaa ka duwanaa socdaaladii uu horey ugu kala bixiyey Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana sababta lagu qeexay mad-madowga iyo shakiga soo kala dhex-galay labada dhinac, kadib soo dhisidii xukuumadda.