Xasan Sheekh oo shaaciyey musharaxnimadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira Musharaxnimadiisa.

Madaxweyne Xassan waxa uu mar kale ku celshay inuu yahay musharax u taagan qabashada Xilka Qaran, waxa uuna sheegay in haddii ay dhacdo in mar kale uu xilka qabto uu la imaan doono waxqabad ka duwan kan iminka ay Dowladiisu sameysay, sida uu haddalka u dhigay.

Xassan waxa uu sheegay in muddo kooban ay ka harsan tahay xiliga doorashada, waxa uuna ku hadaaqay in isbedel saameyn doona dalka oo idil uu la imaan doono.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in isbedelada uu la imaan doono uu shaacin doono maalmo un kahor inta aan doorashadu dhicin.

Xassan ayaa sidoo kale, tilmaamay in Doorashada sanadkaan dhaceysa ay ka duwan tahay tii 2012 oo si nidaamsan loo sameeyay, islamarkaana soo xulida Xildhibaanada ay ka kala dhici doonto dhamaan xarumaha Maamul Goboledyada dalka.

Docda kale, waxa uu meesha ka saaray in Dowladiisa ay ku fashilantay dhammaan howlihii loo igmaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com