Xasan Sheekh: Madaxweyne marti ah

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu u dhaqmayaa sidi nin marti ka ah mininkiisa.  Wuxuu u fasaxay Kenya iyo Ethiopia inay ka talo bixiyaan dhismaha dowlad-ku-sheega gobollada laga abaabulaayo oo loogu tala galay in lagu burburiyo xoogaaga yar ee xurriyadda ah oon heysanno hadda. Mudane Madaxweyne waxaad u baahan tahay la taliyeyaal ku dareensiiya awoodda Ilaahey ku siiyay ood ka baqeyso haddaad isticmaasho in booska aad ku weyso..Waxaad dooratay inaad daciif ahaato oo aadan qaadan karin go’aan gesinnimo oo dadka iyo dalka lagu badbaadiyo.

Maareynta howlaha dowladda waxaa loo xilsaaray R/Wasaare Cabdiweli oo meesha ku wareeray, meel loo socdana aan weli garan waxaana ku mathalay nin qowsaar ahaa (xoolo raac) kaasoo loo dhiibay inu raaco IDO tiro badan.  Markaasuu reerki xoolaha lahaa ku xiray shardi ahaa inaysan waxba ka weydiin karin xoolaha xaaladooda ilaa uu asaga uga sheego wixi dhibaato dhaca.  Maalintii dambe ayuu asagoo xoolihi la joogo iska hurday oo iska seexday geed hoostiis. Iduhuna waxay xoolaha kale uga duwan yihiin gadal uma soo naqdaan horey ayey u sii socdaan.  Goor dambe uu hurdadi ka toosay iyadoo qorraxdi dhacday…reerki ayuu soo aaday intuu xoolihi raadi lahaa.  Markaasuu yiri: war maxaad la fadhidiin idihi miyaa la helay?  Waxaa loogu jawaabay : idihi adigaa lagaa rabaa waayoo waxaa tiri yaan waxba la I weydiin.

R/Wasaare Cabdiweli hadduu leeyahay war aaway dowladdi? Waa marki wasiiradi u kala bexeen mucaarid iyo muxaafid. Marka su’aashu waxay tahay yaa dalkaan ka taliya?  Nin waliba inta geed hoos fadhiistay ku dhawaaqay inuu Madaxweyne ka yahay inta aan Xamar ka ahayn….Madaxweynihi Xamar joogayna wuxuu sameeyo ma yaqaanno.  Wuxuu ku dhici waayay inuu awoodiisa isticmaalo oo kuwa qaska wada ee loo wada jeedo tallaabo cad laga qaado, lana xirxiro oo xabsiga la dhigo, siiba Madoobe Nuunow iyo Axmad Madoobe..waayoo waxay khatar geliyeen jiritaanka ummadda Somaliyeed.  Waxayna horseedayaan in dib loogu naqdo dagalladi lagu hoobtay iyagoo kaalmo iyo taakuleyn ka helaya Kenya iyo Ethiopia.  Waxaa la isweydiinayaa ma yihiin rag la ixtiraamo ama la qiimeeyo gebi ahaantood, waayoo waxaa jirta xikmad carabi ah:

اذا أكرمت الكريم ملكته واذا أكرمت اللئيم تمرد

Oo micnaheedu yahay HADDAAD KARAAMEYSO QOF KARAAMO LEH ADIGAA YEELATA LAAKIN HADDAAD KARAAMEYSO QOF LAIIMA  WAA KUGU CAASIYAA …Madaxweynaha dadka uu karaameynaayo waa dad u baahan in qashinka lagu daro oo tallaabada ay mudan yihiin laga qaado, belada ay baafinaayaana ummadda laga badbaadiyo, inteysan arrintu faraha ka bixin, ha ahaadeen kuwa dowladda ku jira iyo kuwa aan ku jirin oo bannaanka ka qeylinaya.

 DOWLAD GOBELEED HA LA HAKIYO

IGAD waa in runta loo sheegaa loona caddeeyaa wakiil-ku-sheega Igad iyo safiirka Ethiopia labaduba ay yihiin  PERSONA NON GRATA oo aysan joogi Karin Somaliya, kaddib markey ka gudbeen xadki loogu tala galay diblomaasiyada.  Somaliya ma ahan meel dadka kuwooda ugu liita loo soo diro si wixi laga xishoon jiray ay ku faanaan, cid iska qabatana la waayay.  Waxaa la iswediiyay war aaway dalkaan dadkiisi iyo dowladdiisi?.

Dowladdu waa inay dib isugu noqoto oo loo dhiibo xilalka wasaaradaha dad u qalma oo dareemi kara marxaladda xasaasiga ah uu dalku maraayo.  Waa marxalad u baahan dad dareen wadaninnimo ku jirto, u xaglinta danaha qabiilkana la yareeyo lagana hormariyo danaha dadka iyo dalka.

Waa in la baabi’yaa DOWLAD GOBOLEED, kuwa jira maahee, aankuwa cusub la oggolaan, loona magacaabo meelaha qasku ka taagan yahay guddoomiye gobol,(haddii la doono ugu yeera Madaxweyne gobol).. ciddi isku dayda inay ka hor timaado go’aannada dowladda tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado..Sharciga fasaxaya dowlad goboleedyada la joojiyo, si ku meel gaar ah, inta dalka arrimihiisa ka degaayaan, waana in xoog lagu maquuniyaa, waayoo waxaa nahay ummad u baahan in xoog wax looga fuliyo oo aan mudneyn in xuriyad lagu dhaqo.

Jirro waxaa la daaweyn karaa marka lagu sameyo tashkhiis                   ( diagnosis) oo lagu ogaado sababaha keenay….Somaliya qandhada heysa waxaa lagu fasiray inay tahay BARLAMAANKA oo ah meesha cilladaha oo dhan ay dhex jiifaan, inta uu jirana usan dalku degi doonin, wax nabad ahna aan la filan karin, waayoo waa dad badankoodu  dibadaha ka yimid booskana iibsaday, kuna mashquulsan sidey lacag uga sameyn lahaayeen kuna laabtaan meeshi ay ka yimideen…Waryaa naga qabta!!! ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!!

W/Q: Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid