Xasan Sheekh oo la hadlay xildhibaanada ku shiray magaalada Nairobi (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay waqti siiyaan dowladda Soomaaliya.

Wariyaal ku sugan magaalada Ankara oo la kulmay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inuu wax badan kala hadlay, isagoo is dul istaagay xildhibaanada dhawaan isku biirsaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay sida hadda wax u socdaan, wuxuuna sheegay in dowladdanimada aysan aheyn hal ruux oo shaqeeya oo kaliya balse loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo.

“Waxaa wanaagsan in waqti la siiyo madaxda dalka Soomaaliya”ayuu yiri Xasan Sheikh isago oo la hadlayay qaar kamid ah wariyaasha Soomaaliyeed oo ku booqday guri uu ka degen yahay magaalada Ankara.

Xildhibaano badan oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay mucaarad cusub yihiin, waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan madax kale.