“Xasan waxa uu dalka la yimi baahi iyo dagaal wuuna fashilmay” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu kamid yahay Ugaasyadii soo dhisay Xukuumada Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uu sheegay in Dowlad lamid ah Tan Xassan Sheekh aysan imaan doonin Somalia.

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu Tilmaamay in Dowlada Xassan ay dalka la imaaday Qaraxyo, Dilal, Gaajo, Boob iyo Maamulo badan, waxa uuna Tilmaamay inay ku qasaaren dhismaheeda.

‘’Waa arrin aanan ka filaneynin markii aan dhiseynay DFS, waxaa u harsan muddo kooban intii ay soo dhameysatayna Kheyr kuma soo dhameysan oo waxa ay noo keentay Baahi iyo Dagaalo dhex mara Beelo aan weli dagaalamin’’ ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu Tilmaamay inay ka fiirsan doonaan Dowlad lamid ah tan Xassan Sheekh waxa uuna dhahay ‘’Insha allah ma dhici doonto inay soo laabato Dowlad lamid ah tan Xassan, waayo wey fashilanta DFS inta u harsana waxa ay ku mashquusha iska horgeyn iyo diridiraale’’

Haddalka Ugaas Maxamed Bashiir ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan uu ku dhawaaqay Maamul G/Dhexe oo ay ku kala irdhooben Beelo badan, islamarkaana iska horkeenay garabyadii shiraayay iyo DFS, Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com