Xavi: Lionel Messi waa ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa taariikhda Kubada cagta.

Xidiga kooxda Barcelona Xavi ayaa ka hadlay is bar dhig lagu sameeyo macalinka haatan ee Barca Tito Vilanova iyo ninkii isaga ka horeeyey ee Pep Guardiola. Wuxuuna qirtay inuu faqri u dhexeeyo.

32 jirkaan ayaana sidoo kale amaan kala dul dhacay ninka ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi, wuxuuna xidiga Argentina ku sheegay ciyaaryahankii abid ugu wanaagsanaa kubada cagta. Halka uu sheegay inuu ka wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo.

“Pep iyo Tito, waxaa u dhexeeya farqi xoogaa ah taatik ahaan, inta badan waa isku mid. Guardiola wuxuu inta badan awooda saaraa ku celcelinta Paraatikada, halka uu Vilanova uu waxoogaa aado xaga orodka,” ayuu yiri xidiga heerka caalami ee dalka Spain mar uu wareysi siinaayey Radio Catalunya.

Xavi ayaa sidoo kale qorshihiisa amaanta huwiyey Lionel Messi wuxuuna 25 jirkaan ku sheegay xidigii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada cagta.

“Marka lagu jiro qolka lebiska, Leo Messi laga yaabee inuu ka mid yahay dadka ugu xasilan. Waa qof aan caadi aheyn. Aniga ahaan waa ii NO’ 1, waa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa abid, wuuna ka yaabiyey dadka oo idil. Aad ayuu u wanaagsan yahay, wuxuuna ciyaarta muhim u yahay in ka badan  inta uu muhim u yahay Cristiano.