Shaqiri: “Bayern Munich waa inay ku dhamayestaa kaalinta koowaad ee Bundesliga”

Xherdan Shaqiri ayaa ku waaniyey kooxdiisa Bayern Munich iyo ciyaaryahanada u ciyaara inay diirada saaraan ku guuleysiga horyaalka Jarmalka ka dib bilowgoodii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedka 2012/13.

Bavarian ayaa ku bilaabatay horyaalka Rikoor 100% [Boqolkiiba boqol] ah, waxayna kulankoodii adkaa guul darro 2-0 ah dhabarka u saartay Werder Bremen, halka ay Champions League 2-1 ku dubtay Valencia.

Ninka u dhashay dalka Switzerland Shaqiri ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxda ka dhisan magaalada Munich inaysan u guul darreysan sidii sanadii hore, ayna horyaalka kusoo celiyaan magaalada ugu badan ee laga heysto.

Mar la weydiiyey rajadooda ah inay horyaalka socda ku guuleysan karaan, wuxuu u sheegay bundesliga.com: “Dabcan sidaas ayaan ku rajo weynahay, laakiin weli wado dheer ayaa na hortaal.

“Hada si fiican ayey wax u socdaan. Anaga ayaa ugu dhibca badan horyaalka natiijooyinkuna waa kuwo fiican, laakiin dhamaanteen waan ognahay sida dhaqsaha ah ee kubada cagta gudaheeda wax isaga bedeli karaan. Tani waa keliya sida aan usoo diyaar garownay.

“Dabcan hada xaalku waa mid wanaagsan, laakiin muhiimadeenu waa inaan ku dhameysano kaalinta koowaad. Taas waa inay dhacdaa, waa inaan xooga saarnaa horyaalka aana si fiican ula jaan qaadnaa shaqadeena wanaagsan,. Waxaan leenahay kulamo Horyaalka Yurub ah maalmo gudahood marka kulanka xiga waa inaan fiiro gaar ah u yeelanaa.”