Xiisad weli ka taagan Gaalkacyo iyo Galmudug oo arrin xasaasi ah ka dalbatay DF Soomaaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in ay ka xun yihiin ka maamul ahaan ficillada ay sameynayaan maamulka dhiggooda ah ee Puntland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay in looga baahan yahay in soo faragaliso xiritaanka isu socodkii ganacsi ee goballada Soomaaliya oo maamulka Puntland uu xiray.

Wuxuu sheegay wasiirku in tallaabada baabuurta ganacsiga lagu xanibay ay ka dambeyso ujeeddo siyaasadeed, loona baahan yahay in laga feejignaado oo Puntland ay ogaato dhibaatada ka dhalan karta.

Wasiirka dastuurka Galmudug ayaa sheegay in qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland ay kala hadleen arrintaan islamarkaana ay rajo fiican ka qabaan.

“Soomaaliya waa hal dal, wax macna ahna malahan in dadka la kala qoqobo, dhaqaaluhuna kuma korayo amnigana waa uu ku xumaanayaa, shacabka dhibka badan uu gaarayo waa reer Puntland, marka madaxda Puntland waxaan filayaa inay garan doonaan” ayuu wasiirku.

Wasiirka dastuurka Galmudug waxaa uu maamulka Puntland ku eedeeyay in dano siyaasadeed ay ka leedahay arrintaan hase yeeshee uu ugu baaqayo inay madaxda maamulkaasi ay ka fiirsadaan.

Puntland ayaa maalin ka hor sheegay inay dhaqan geliyeen wareegto uu soo saaray dhammaadka bishii la soo dhaafay taas oo qeexeysay in la joojinayo isa socodka gawaarida ganacsi ee isaga kala gooshta Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com