Xiisada Eritrea iyo Jabuuti oo cirka isku shareertay iyo Jabuuti oo qaaday tallaabo ay…

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf oo u waramaayay wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dalab ay u gudbiyeen Madaxda Midawga Africa.

Wasiirka ayaa sheegay in Midawga Africa ay mar kale ka dalbadeen in dib u qiimeyn lagu sameeyo xadka ay la wadaagan dowlada Eritrea.

Wasiirka waxa uu sheegay in ay u soo jeediyeen Midawga Africa in ay booskaas buuxiyaan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan.

Waxa uu tilmaamay in dalabkooda uu yahay mid ku xeeran sidii Ururka midowga Africa ay goob joogayaal ugu diri lahaayen xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago Eriteria.

Waxa uu sheegay inaan laga maarmi doonin in khubaro loo diro xadka, maadaama ay meesha ka baxeen ciidamada Qadar ee xadka labada dal u joogay nabad ilaalinta.

Ciidamada Qadar ee iminka ka baxay xadka Eritrea iyo Djibouti ayaa halkaa laga howlgaliyay sanadii 2008, hase ahaatee waxay si aan hore loo sii qorshayn uga baxeen xuduudda bishii June 14-keedii.

Madaxda Midawga Africa, ayaa iminka wada qorsho lagu xasilinaayo xiisada ka dhex aloosan labada dal, waxaana lagu wadaa in halkaa la geeyo ciidamo.

Dowlada Jibouti ayaa qaati ka taagan dowlada Eritrea oo ah mid Militery, waxaana mar waliba laga cabsi qabaa inay fooda is daraan.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com