Xildhibaan CABDIMAALIK Cabdalla oo bixiyey xog ku saabsan hubka Macawiisleyda

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa bixiyey xog ku aadan hubka maleeshiyaadka Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al- Shabaab.

Xildhibaanka ayaa marka hore genafka ku dhuftay wararka lagu baahiyey baraha bushada ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay hubineyso beel gaar ah oo degta Hiiraan.

Cabdimaalik ayaa shaaca ka qaaday in wararkaas ay yihiin kuwa barabagando ah, wuxuuna tilmaamay in Macawiisleyda ay yihiin ciidan beeleed u taagan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihin gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubka ay heystaan ay si gaar ah ayagu leeyihiin, isla-markaana aysan jirin saanad ay ka heleen dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga ma arag meel dowladda hub ku siisay ciidanka Macawiisleeyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, hubka ay wataana waa hub ay ayaga leeyihiin dowladna ma hubeyn inta aad arkeysan iyo boqol jibaarkeeda ayay leeyihiin oo tuulo iyo degma kasta waxaa u yaalo hub farabadan oo waxay rabaan iney iska dulqadaan Al-shabaab, buuq iyo barabagando Al-shabaab ayaa noogu filan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ku sugan Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, una istaagaan duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeey lagu eedeynayey dowladda federaalka inay hubeyneyso mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.