Xildhibaan ku baaqay in Sh/Hoose la geeyo ciidamo Somaliland & Puntland

Muqdisho (Caasimnada Online) – Xildhibaan Cabdulaahi Abshirow oo ka mid ah xildhibaannada beesha Biiyo-maal ayaa ku baaqay haddii la rabo in xasilooni ay ka dhalato gobalka Shabeellaha Hoose oo ay ku dagaallamayaan maleeshiyo beeleedyo in la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Somaliland, Puntland iyo Jubbooyinka ama xitaa AMISOM.

Wuxuu sheegay in qorshaha ay dowladda wado uusan soconeynin maadama magaalada Marka ay qabsadeen maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Habar-gidir.

“Annaga waxaan ku baaqeenaa in la geeyo gobalka Shabeellaha Hoose ciidamo isku dhaf ah oo xitaa laga keenay Puntland, Somaliland iyo Jubba, balse ma ahan in dowladda ay dhahdo ciidamo qabsaday magaalada ay u direynaa” ayuu yiri Xildhibaan Abshirow.

Xildhibaanka mar la weydiiyay sababta shaley ay u baaqdeen guddi isku dhaf ah oo dowladda u xil saartay colaadaha ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuu tilmaamay in xildhibannadii ka soo jeeda beesha Biyo-Maal ay qaadacday in ay ka qeybgalaan kulankaas.

Wuxuu sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ay qabsadeen magaalada Marka isla markaana ay billaabeen in ay dilaan dadka rayidka ah.

Si kastaba, hadalka xildhibaan Cabdullaahi Abshirow ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dib u dhaceen guddi isku dhaf ah oo isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno oo la rabay in ay aadaan goobaha ay ka socdaan colaadaha ee gobalka Shabeellaha Hoose si ay u soo afjaraan dirirtaas.

Waxaa muuqata in xildhibaannada ka soo jeeda beesha Biyo -Maal ay ka soo horjeedaan in ay ka mid noqdaan guddigaas u ambabaxaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose waa culeys kale oo ku soo furmay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@livce.com