Xildhibaan shaaciyey ‘qorshe ay Kenya ka damacsan tahay xiisada ay ka abuurtay xadka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya iyo dagaalkii ka dhacay xaduudka uu xiriir la leeyahay muranka badda ee u dhaxeeya labada dowladdood.

Xildhibaanka oo la hadlayay BBC-da ayaa ku eedeeyey Kenya ay si cad ugu soo xadgudubtey Soomaaliya, isla markaana ay hubeyneyso koox jabhad ah oo uu ula jeedo ciidamada uu hoggaamiyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

“Waa waadax waxa ka socda xuduudda. Waxaan annaga u aragnaa in arrintan ay daba taagan tahay arrintii badda, oo tani ay tahay cadaadis ay Kenya saareyso Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

“Arrinta ugu darran, oo aan weliba is-leeyahay dullinimo ayaa keeneysa waa in xadkii Mandhera iyo Beled-Xaawo jabhad lagu aas-aaso, oo aad arkeyseen inuu dagaal ka dhacay oo shacabkii labada dhinac ay wax ku noqdeen.”

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa sheegay in xalka uu ku jiro Kenya ay “muraayad isku eegto, oo aysan isku arag inay ka murqo weyn tahay Soomaaliya.”

Waxa uu ka digay in Soomaaliya aan murqo weyni iyo murqo yar midna wax looga qaadin. “Kenya dacartii ay cabto ayaan la cabeynaa,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow