XILDHIBAAN soo jeedisay tirada lacagta mushaharka loo siinayo ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Canab Xasan Cilmi oo ka mid ah mudeneyaasha baarlamaanka 10-aad ee Federal-ka ayaa shalay dood kulul ka jeediyey goloha shacabka.

Iyada oo maalmahanba golaha uu ka doodayey amniga qaranka, gaar ahaan Muqdisho ayey mudaneyaasha baarlamaanka ku kala duwanaayeen ka hadalka amniga.

Qaar ka mid ah ayaa u muuqday kuwo siyaasadeenaya amniga halka kuwo kalena ay ku baaqayeen in xukumadda laga talo galiyo sida ugu habboon ee wadajir amniga Muqdisho iyo dalka guud ahaan wax looga qaban lahaa.

Hase ahaatee, Xildhibaan Canab Xassan Cilmo ayaa iyadu aad uga duwaneyd oo waxa ay ku baaqday In mushaarka ciidamada sare la kordhyo miisaaniyadda dambe ee dowladda.

“Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi: Miisaaniyada soo socota waa in askariga Soomaaliyeed la siiiyaa bil walba $200 boqol.” Ayay tiri

Baaqa xildhibaan Canab Xassan ayaa noqonaya mid haddi ay dowldda ka jawaato sare u qaadi doona niyadda ciidama oo la aaminsan yahay in aysan qaadan mushaar ku filan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com