Xildhibaan C/risaaq Xusul oo war cusub kasoo saaray hadalkiisii carada dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka mid ah xildhibaanada golaha  shacabka ayaa jawaab ka bixiyey hadalkiisii xiisadda abuuray ee ciidanka Macawiisley uu ku weeraray.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu sheegay in hadalkaas uu ka sheegay dood cilmiyeed lagu falanqeynayey amniga Qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

“Aragtidii aan ka dhiibtay oo in yar laga soo jaray oo (Geel Zako maleh) lagu ekeeyay u jeedkana aan koobeynin, si xunna loo turjumay ayay bulsha weynta Soomaaliyeed siyaabo kala duwan uga fal celiyeen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xildhibaan Xusul ayaa intaas ku sii daray in dadka qaar ay taageero u muujiyeen hadalkiisa iyo halka qaarna ay kasoo hor jeesteen, isagoo sheegay in kala ra’yi duwanaantu aysan wax weyn aheyn.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in Dastuurka dalka uu ogolaanayo Xaqqa hadalka iyo ra’yiga, “Marka walaalayaal si mug iyo miisaan leh u daawada oo u dhuuxa ujeedada, si weliba ka maran caadifad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xusul.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa qoraalkiisaan ku sheegay inuu bogaadinayo kacdoonka bulshada ee ku aadan la dagaalanka Argagixisada ee ka curtay deegaanno badan oo dalka ka mid ah.

“Sidoo kale dowladdu ha garab istaagto kacdoonka bulsho, iyadoo qaadaneysa doorka hogaaminta xoreynta dalka, si dhibaato kale aysan uga dhalan kacdoonadaas, anago maanka ku heyna kuwa badan oo nasoo maray oo aan taariikhda ka faa’iideysano iyo tijaabooyinkii hore,” ayuu qoraalkaan uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Xildhibaankaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loogu dhaleeceynayey baraha bulshada, kadib markii ciidamada iska abaabulay deegaanada ay Al-Shabaab heystaan ee gobollada dalka oo Macawiisley loo yaqaano uu ku sifeeyey kuwo Al-Shabaab ka daran oo khatar ku ah mustaqbalka dalka.

Siyaasiyiin uu ugu hadal adkaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa ka jawaabay hadalka xildhibaan Xusul, iyagoo sheegay inay aad ula yaabeen, sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu faafiyey maleeshiyaad Macawiisley ah oo Xildhibaanka dil ugu hanjabaya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa ka mid ahaa saaxiibadii Fahad Yaasiin ee kuraasta ka soo qaatay Dhuusamareeb, wuxuuna baarlamaanka ku metalaa degmada Ceeldheer, halkaas oo intii ay jireen ay Al-Shabaab heysteen, balse wuxuu muuqaal la baahiyey ku muujiyey inuu ka soo hor jeedo hanaanka uu ku socdo kacdoonka shacabka ee Shabaab lagu wajahayo.