Xildhibaanada wada mooshinka C/Weli oo kullan ay qabteen ka sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee mooshinka taageersan,ayaa waxay galabta ku kulmeen Hotel Naasa Hablood II ee Magaalada Muqdisho, waxayna kaga hadleen marxalada cusub ee Baarlamaanku uu wajahaayo.

Xildhibaanada, ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen in Xildhibaanada kale ay ka tanaasulaan buuqii iyo sawaxankii, ay ku horjoogsanayeen qabsoomida fadhiyadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

Gaba gabadii kulanka, ayaa waxaa Saxaafada la hadashay Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame, waxayna soo dhaweysay in Xildhibaanadu ka laabtaan buuqii iyo sawaxankii Baarlamaanka hareereeyay, toddobaadyadii la soo dhaafay.

“Sharci daro ayay markii horeba la qaylinayeen ee mooshinka wuxuu ahaa mid sharci ah ah, hadana haddii ay ogolaadeen in buuq la’aan mooshinka laga doodo waa wax wanaagsan.” ayay tiri Marwo Ubax Tahliil Warsame.

Waxay kaloo tiri “Waxaa noo balan ah maalinta Talaadada in mooshinka na loo wada qaybiyo, Sabtidana aan ka doodno, waan soo dhaweyneynaa in si caadi ah mooshinka looga wada doodo.”

Sidoo kale waxay soo dhaweysay go’aanadii uu qaatay Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, kuna sheegay in fadhiga Baarlamaanka uu qabsoomi doono Talaadada, Sabtidana ay Xildhibaanadu ka doodi doonto mooshinka laga keenay Xukuumada.

“Jawaari waan ku dhiira-gelineynaa go’aanada adag ee uu qaatay, waa go’aano wanaagsan, waana soo dhaweyneynaa.” Sidaasi waxaa tiri Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com