Xildhibaanimooy xaal qaado (Doqon baa labo jeer hal god laga qaniinaa)

Wixii qoran baa quruumo haree, hadal muxuu iimo leeyahay…!!!

Haldoor horaa yiri isaga oo cabiraya dhacdooyinka dunida, una digaya dadka hareertiisa jooga “Doqon ayaa labo jeer hal god laga qaniinaa!!!”

Alaylahay Doqon ayaa labo jeer hal god laga qaniinaa… maxaa ka ayaan daran qawm aanan cashar & darsi ku filan ka qaadan taariikhaha madow ee ay sanad waliba soo jibaaxaan… hmmm!!! Haa waa caynkaas, waa duul u saaxiib ah dulinimo kuwaasi oo aanan waxba u ogayn mahadhooyinka taariikheed, markastana qaba hiirtaanyo & ciil!!!

Waayahaa sidaa yiriye, aniguba kumaan gabin!!!

Akhriste, qormadaydan aan ugu magacdaray Xildhibaanimooy Xaal Qaado, waxaan jeclahay inaan ku lafa guro soo xulista Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee la qorsheeyay in lasoo doorto bisha fooda inagu soo haysa ee October. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan talooyin dhaxalgal ah ugu soo jeediyo beelaha Soomaaliyeed ee ay mathali doonaan ashkhaasta la huwin doono magaca lagu taraxtagay ee “Xildhibaan”, kaasi oo kamid noqday darajooyinka dawladnimo ee la bililiqaysatay sanadihii lagu jiray burburkii ragaadsaday ee ku habsaday dhamaan ashkaashii & haykalkii dawladeed.

Waxaa xusid mudan oo ay inta badan qormadayda ku dhirirsanaan doontaa beelaha Soomaaliyeed ee aanan u hoodo yeelan inay soo xushaan siyaasiyiin hibo u leh aragti fogaansho siyaasadeed, una reeba beelaha ay mathalayaan raad rays leh oo lagu nagaado, laguna furo geediga uu dhalandhoolka daashaday.

Maxaa ka muhiimsan in beel kasta ay kusoo doorato siyaasiga ay usoo xulanayso inuu uga mid noqdo Golaha Shacabka Qaran sababo ay ugu horayaan Horumarinta Bulshada & ka fakirista Sare U Qaadista Amaankooda?!

Nasiib uma aysan yeelan beelaha Soomaaliyeed inay siyaasigooda kusoo doortaan Fogaanshaha Aragtiyihiisa Siyaasadeed & Heerkiisa Aqooneed, waxaana mudadii lagu jiray Burburkii Qaran ku loolamayay saaxada siyaasada Soomaaliya rag isku mabda’ ahaa oo aanan dhamaantood lahayn hanaan siyaasadeed qancin kara beeelaha ay ku abtirsadaan, taasi ayaana keentay kala dhantaalanaanta & dib udhaca baahsan ee ku habsaday, saamaynta ba’anna ku reebay Umada Soomaaliyeed.

Sida la’isku raacsan yahay, qofka loo xulanayo inuu mathalo bulsho, waxaa qasab ah in lagu soo xusho afkaar ama Ideology ku dhisan horumarka bulshada uu mathali doono, waxaana muhiim ah in qofkaasi uu noqdo mid u saaxiib ah cilmi & karti hogaamineed (Good Leadership), laakiinse waa ayaan daro in bulshado aysan arimahaasba ku soo xulan siyaasiga mathalaya, sanadkastana uu Oday Beeleed aragti gaaban midkii uu la dhaco lasoo shir tago isaga oo aragtidiisa ka raaridaya beesha uu Odayga u yahay…

Ceeblaay, warlaay miyaa Laguu waramay?! 

Maxaa ka haboonaan lahaa inuu siyaasigeena noqdo mid aynu kusoo xulanay Karti, Cilmi & Aqoon Siyaasadeed lagu hogaamin karo, laguna geedi gelin karo bulsho uu ragaadsaday jiilaal oo la tiicaysa haraad halka uu daaqiina gabaabsi marayo!

Maxaa ay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku loolamaya saaxada siyaasada ay markasta shandadaha ugu sidaan siyaasiinta kale, uguna sacabo tumaan ahdaafta ay sitaan siyaasiyiinta ku fakira horumarinta danahooda khaaska ah?!

Ileen Ciil Looma dhinto….

Ka ragoo labo saar, waxaa wax lala amakaago ah in siyaasiyiintii ku fashilantay siyaasada ee ku guuldaraystay samato bixinta bulshadooda & ka fakirista baahiyaha bulshadooda ay wali u xusul duubayaan kasii muuqashada siyaasada dalka, iyaga oo uu hadafkoodu yahay inay wali kusii socdaan oo ay kusii damaashaadaan gawaari qurxoon, siina dhistaan guryo dhaldhaalaya, sidoo kalena ay wali kusii caweeyaan Hotelada ugu qaalisan dalka… waa siyaasi uu mabda’iisa siyaasadeed intaas ku kooban yahay oo aysan cid kale ka danbayn, warna aanan u hayn bulshada uu sheeganayo inuu mathalayo ee hadana lagu xanto inay soo dooratay!!! 

Doqon ayaa labo mar hal god laga qaniinaa!!!

Kuu qarin maayee, Umada Soomaaliyeed, Horumar & Amni waara hiigsan maayaan inta ay wali siyaasada ugu jiraan raggan ku xididaystay siyaasada ee aanan ka fakirayn danaha bulshadooda, hanka & damacooda siyaasadeedna yahay sidii ay ku maaraysan lahaayeen noloshooda maalmeed… kan ugu roon ayaase ka fakira samato bixinta qoyskiisa, ubadkiisana u yaahdiya waxbarasho asaasi ah!!! 

Baaqayga Bulshada

Ugu danbayntii waxaan qormadaydan Xildhibaanimooy Xaal Qaado kusoo afmeerayaa talooyin kooban oo aan u dirayo Bulshada Soomaaliyeed…

Umada Soomaaliyeed, waxaan markale xasuusin lahaa inay imika talada ay gacantooda ku jirto, islamarkaasina ay kala garan karaan iyagoo darsi ka qaadanaya taariikhihii hore shakhsiga ku haboon inuu mathalo oo uu uga mid noqdo golaha shacabka, waxaan sidoo kale rajaynayaa inay fahmi karaan duurxulka aan cinwaanka uga dhigay qormadaydan Xildhibaanimooy Xaal Qaado (Doqon baa labo jeer Hal God Laga Qaniinaa!!!).

Micno wayn uma samayn doonto Beelaha Soomaaliyeed inay markale dib usoo xushaan faashiliintii siyaasadeed ee mudada dheer ka bidhaamayay Golaha Shacabka Soomaaliyeed, waxaanna filayaa in shakhsi kasta lagu qiimeeyo waxa uu bulshada u taray ama u tari karayo, shakhsi uusan muuqan raadkiisa waxtarna uusan mudneen in markale dib loo soo doorto, waa hadii uu hadafka bulshada yahay sahminta meel nagaad & rays qabow u leh…

Intaas ayaan kusoo koobayaa Qormadaydan XILSHIBAANIMOOY XAAL QAADO… 

By: Dr. Abdimajid Yousof Ali Canady – (Medical Doctor, Author & Researcher)  

 Talo & Tusaalayn: 

drcanady111@gmail.com / www.facebook.com/abdi.canadi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com