Xildhibaano ka hor yimid qaabka loo kala diray wasiirada maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii Shalay Xildhibaanada baarlamaanka Puntland kala direen Wasiirada maamulka, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia

Xildhibaanad Xaawo Axmed Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia, ayaa sheegtay inay aad uga soo horjeedo in la kala diro Wasiiro aan lala xisaabtamin kala diritaankooda ka hor.

Xildhibaanad Xaawo Axmed, waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in lala xisaabtamo Wasiiradii Shaqada laga ceyriyay, iyadoo aan la qaadan go’aan aan mirro dhal u laheyn maamulka.

Waxa ay sheegtay in laga wanaagsanaa in lagu degdego kala diritaankooda, waxa ayna intaa raacisay inay adkaaneyso la xisaabtanka Wasiiro qaab awoodeed looga qaaday xilalka.

”Waxaan orankaraa waa go’aan lagu degdegay kala dirida Wasiirada maamulka, waxaan qabaa in kala diridooda ay sii khaldeyso dhammaan shaqooyinkii ay u hayeen shacabka”

Xildhibaanad Xaawo Axmed, ayaa iminka ku baaqday in xal loo raadiyo qaabka loola xisaabtami lahaa Wasiirada la kala diray ee xilalkooda sida sahlan ku waayay.

Geesta kale, Xildhibaanada ayaa ku talisay inaan toos loo burin Wasiirada oo lagu leemiyo Shaqooyin kale maadaama ay Khibrad leeyihiin.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com