Xiriirka Shiinaha iyo Somalia iyo ififaalaha mustaqbalka

Hordhac

Shiinuhu waxa uu kow ka yahay dalalka sida baaxadda weyn ee weliba xawliga ah dhaqaalihiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed isu soo taraysay sannadihii la soo dhaafay. Dalka Shiinaha, ka sokoow inuu yahay dalka koowaad ee adduunka ugu dadka badan, haddana waxa ay dowladdiisu ku guulaysatay inay dhidibbada u taagto dhaqaale xooggan oo ku salaysan warshadayn casri ah oo baahsan iyada oo ka faa’idaysanaysa awoodda shaqaale ee ay leedahay isla markaana xoogga saaraysa horumarinta teknaloojiyadda loo adeegsado waxsoosaarka. Taas ayaa sababtay in Shiinuhu uu noqdo waddanka labaad ee ugu awoodda badan adduunka marka laga fiiriyo saamayntiisa dhaqaale,midda siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay leeyihiin xiriir ganacsi oo soo-jireen ah oo ka soo bilawday Qarniyadii Dhexe. Waxa la sheegaa in Soomaaliya ay wakhtigaas Shiinaha u dhoofin jirtay noocyada kala duwan ee ugaadha sida Geriga, Fardaha, Dameer-farawga, Fooxa iyo badeecooyin kale taasi oo Soomaaliya ka dhigtay mid kamid ah dalalkii ugu horreeyay ee xiriir la yeesha Shiinaha.

Waxa sidoo kale la xusaa in dhulmareenkii caanka ahaa ee reer Muqdisho ee Saciid uu u safray dalka Shiinaha qarnigii 14aad markaas oo dhulka Shiinaha ay ka talinaysay Boqortooyadii reer Yuan isaga oo safarkaas uga sheekeeyay dalmarkii Ibnu Batuuta markii ay ku kulmeen dalka Hindiya. Sidaasi si lamid ah, dibloomaasigii iyo dhulmareenkii reer Shiine ee Zheng He ayaa la sheegaa inuu isla wakhtiyadaaas booqday magaalooyinka Soomaaliyeed ee Muqdisho, Saylac, Marka iyo Berbera.

Bar-bilawgii xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, waxa ay kamid noqotay waddamadii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la yeesha dalka Shiinaha. Xiriirkaas ayaa Soomaaliya u fududeeyay inay ku guulaysato mashaariic tiro badan oo ay dowladda Shiinuhu maalgelisay, dalkana ka hirgelisay. Mashaariicdaas kala duwan waxa ugu caansan Istaadiyamka Qaranka ee Soomaaliya (Istaadiyam Muqdisho), Cisbitaalka weyn ee Banaadir, Tiyaatarka Qaranka, Biya-xireenno iyo mashruucii ugu weynaa oo lagu dhisay waddada dheer ee isku xirtaa gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta dalka oo ilaa hadda miraheeda la mahadiyo.

Taas beddelkeeda, Soomaaliya waxa ay si xooggan ugu ololaysay in Shiinuhu helo jagada ay ku leedahay Qaramada Midoobay iyada oo dadaalkaas ka miradhalisay.

Ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991, waxa meesha ka baxay xiriirkii tooska ahaa isla markaana rasmiga ahaa marka laga reebo xiriirka ganacsi oo u dhexeeyay labada shacab. Sidaas oo ay tahay, dalka Shiinuhu si toos ah uma soo faragelin gudaha Soomaaliya oo ay dalalka caalamku ku loolamayeen iyada oo dhinac kasta garab siinayo cidda ay danahooda ka dhex arkaan. Shiinuhu waxa uu muddadaas ka qayb-qaatay gargaarka loo fidinayay shacabka Soomaaliyeed ee ay masiibadu ku habsatay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee hadda

Wakhtigan la joogo, Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay leeyihiin xiriir dibloomaasiyadeed oo fiican iyada oo ay labada dhinacba isdhaafsadaan diblomaasiyiin iyo safaarado ka shaqeeya xoojinta xiriirka labada dhinac. Shiinuhu waxa ay si joogto ah ardayda Soomaaliyeed ugu taageeraan deeqo waxbarasho iyada oo tirada ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Shiinaha wax ka barta ay gaarayaan in ka badan 1,300 sida laga soo xigtay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Qin Jian. Sidaasi si lamid ah, labada dhinac ayaa leh xiriir qotodheer oo ganacsi iyada oo ay ganacsatada Soomaaliyeed dalka Shiinaha ka soo dhoofsadaan noocyada kala duwan ee badeecadda. Waxa xusid mudan, in Soomaaliya aanay dhinaceeda dalka Shiinaha u dhoofin badeecad la sheegi karo taasi oo ganacsiga u dhexeeya labada waddan ka dhigaysa mid aan dheellitirnayn.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxa la gudboon inay arrintan wax ka qabtaan iyada oo la fududaynayo heshiisyo ganacsi oo dalka Shiinaha loogu dhoofinayo baddeecadda kala duwan ee dalkeenna sida hilibka, kalluunka iyo noocyada macdanta ee kala duwan.

Muqtaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Soomaaliya waxa ay sannadkii 2018 si rasmi ah ugu biirtay Hindisaha “China’s Belt and Road Initiative (BRI) kaasi oo ah qorshe ballaaran oo ay dowladda Shiinuhu ku doonayso inay dalal badan oo u badan qaaradda Aaasiya iyo Afrika ka hirgeliso mashaariic lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalkaas si loo kordhiyo isu-dhawaanta iyo isku-xirnaanta dhaqaale. Soomaaliya waxa ay door laxaadle ka ciyaari kartaa mashruucaas iyada oo ka heli karta maalgelin mug leh oo lagu dhisayo kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha dalka sida dekedaha iyo waddooyinka.

Soomaaliya waxa ay wax badan ka baran kartaa dalalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Kenya oo si weyn u mahadiyay maalgashiga kala duwan ee uu dalka Shiinuhu ka hirgeliyay dalalkaas, taasi oo wax weyn ka qaadatay koboca dhaqaale ee waddamadaas. Soomaaliya haddii ay la timaaddo qorshe dhammaystiran oo lagu soo jiidanayo maalgashiga Shiinaha, waxa hubaal ah in ay taasi saami fiican ku darsanayso dib-u-dhiska dhaqaalaha qaranka. Waxaase muhiim ah, in si taxaddar leh looga fekero qorshahaas iyada oo aan lagu dhacayn dabinka daymaha ee ay dalal badan oo Afrikaan ah ku dhaceen taasi oo hadhaw saamayn taban ku yeellan karta dalka.

Shiinuhu waxa uu kamid yahay dalalka iska indhatira faragelinta iyo ka qayb-qaadashada xasaradaha ka alloosan gudaha dalalka kale balse keliya xoogga saara sidii ay dal walba ula yeelan lahaayeen iskaashi dhaqaale oo laga macaasho dheef iyo nafci waara. Sidaasi awgeed, Soomaaliya waxa la gudboon inay sii xoojiso xiriirka ay Shiinaha la leedahay iyada oo aan isla markaasna ka dheeraanaysa inay lug ku yeelato loollanka u dhexeeya labada quwadood ee Maraykanka iyo Shiinaha kaasi oo ku salaysan in midba midka kale maquuniyo siyaasad iyo dhaqaale ahaanba.

Ugu danbayntii, waxa dhawaan labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinuhu u dabbaaldegayaan 60-guurada xiriirka rasmiga ah ee u dhexeeya labada waddan kaasi oo ay tahay in looga faa’idaysto sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada shacab si loo unko xiriir laba-geesood ah oo ku salaysan is-ixtiraam iyo ganacsi dheellitiran oo ay labada dowladood iyo labada shacabba si buuxda mirihiisa u gurtaan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid