Xisbiga Wadajir oo sharxay SABABTA aysan uga mid noqon isbaheysiga xisbiyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay sababta keentay in xisbigooda uusan kamid noqon Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho iyadoo Guddoomiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Sayid Cali Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xisbigooda uu aad usoo dhaweenayo  Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, wuxuuna hawada usoo mariyey Hamlbayo.

Sayid Cali Macalin ayaa Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaamay inay tahay biseyl siyaasadeed oo ay tahay in si weyn loo dhiira geliyo.

“Waa biseyl siyaasadeed oo loo baahan yahay in la dhiirageliyo waana ugu hambalyeynaynaa, in la isu tago oo intii isku aragti ah waxay xoojineysaa doorashooyinka soo socda ee 2021″ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in sababta Xisbiga Wadajir uusan uga mid noqon Isbaheysigaas ay tahay in weli uusan xisbiga go’aan ka gaarin.

Wuxuu sheegay in go’aankaas uu leeyahay Golaha Dhexe ee Xisbiga loona baahan yahay in marka uu Golaha soo ansixiyo.

Inkastoo Sayid Cali sidaas ku micneeyey haddana xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu diiday in Madashu yeelato Guddoomiye, taas bedelkeed uu soo jeediyay inay Xiriiriye kaliya yeelato.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu aad u daneenayey inuu isaga noqdo Guddoomiyaha Madasha haddiiba ay yeelaneyso Guddoomiye sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Xisbiyada ku midoobay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com