Xog: Ajaaniib lagu xasuuqay xeebaha SOMALIA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Somalia, ayaa sheegaya in Kooxo burcad-badeed Soomaali ah ay weerar ku qaaden markab laga lahaa dalka Yemen balse ay la socdeen Kaluumeysato u dhashay dalka Iran.

Markabkaani ayaa ka kaluumeysanaayay Biyaha Somalia, waxa ayna isku dhaceen Burcad-badeed Somali ah kuwaasi oo markii danbe dilay shaqaale la socday markabka oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Iran.

Afhayeen u hadlay shirkada iskaleh Maraakiibta kaluumeysi ee la weeraray Cali Askar, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaaden Burcad-badeed Somali ah, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi lagu dilay 2 kamid ahaa shaqaalaha Markabkaasi halka sidoo kale weerarka lagu dhaawacay dhowr shaqaale kale oo la socday markabka.

Cali Askar ayaa sheegay in xiliga weerarka lagu soo qaadayay Markabkaasi uu doonaayay inuu dib ugu soo laabto xeebaha dalka Yemen, balse soo laabashadooda ay lasoo laabteen iyaga oo wada Meydad iyo dhaawacyo.

Cali Askar waxa uu shirkadaha maraakiibta ee isticmaala Biyaha Somalia uga digeen inay u socdaalan Badda Somalia, waxa uuna cadeeyay in wali ay taagan tahay Khatarta Burcad-badeeda Soomaalida.

Dhanka kale, weerarkaani ayaa waxa uu daba socdaa weerar dhawaan ay Burcad-badeeda ku qafaasheen Maraakiib laga lahaa dalka Iran kuwaasi oo markii danbe is furdaamiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com