Xog: Axmed Madoobe vs Prof. Gaandi iyo Ethiopia oo loo taageero doontay

Dadkii marku horey isku baheystay dhismaha maamulka Jubbaland, ayaa dhexdooda isaga hor yimid cidda yeelan doonta talada ugu sareysa ee maamulkaas, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay in hogaamiyaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Prof. Maxamed Cabdi Gandi oo hogaamiya maamulka aan meelna ka talin ee Azaaniya ay isku hayaan cidda yeelan doonta talada Jubbaland State.

Waxay u muuqataa in iminka loolankaasi uu ka adkaaday Prof. Gaandi oo ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo ay yihiin ninka ay ka war maqlaan, marka ay noqoto kooxaha Soomaalida ee halkaasi isku haya.

Inkasta oo Gaandi uusan joogin Kismaayo, haddana waxaa la sheegay inuu wakiil ka yahay General Ismaaciil Saxardiid, oo ay isku xulufo yihiin.

Warar ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dareemayo inuu meel cidla ah kusoo dhacayo, uuna socdaal deg deg ah ugu amba baxay dalka Ethiopia.

Waxaa safarkiisa ku wehliya oo xulufo la ah General Maxamed Faarax Warsame Darwiish, oo hogaamiya koox la yiraahdo Harti Group, oo si dadban ugu jirta loolanka arrimaha Jubbooyinka.

Sarkaal sare oo jooga Kismaayo ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe, uu iminka gacan iyo isbaheysi ka raadinayo Ethiopia.

Waxa ay sidoo kale u muuqataa in arrinta la isugu hayo deegaan ahaan, ayada oo inkasta oo Gandi iyo Axmed Madoobe isku beel yihiin, haddana ay deegaan ahaan kasoo kala jeedaan xubnaha beesha ee Kenya iyo tan Ethiopia.

Si kastaba lama yaqaan waxa uu kala soo kulmi doono dowladda Ethiopia, hase yeeshee waxa uu garab ka helayaa xubno ay isku beel yihiin oo ku jira Dowladda Ethiopia.

Murankan ayaa imanaya xilli ay soo dhowdahay dhismihii maamulka Jubbaland, oo Axmed Madoobe uu wax badan mooday inuu madax ka noqon doono, balse uu goor dambe ka war helay in sida uu wax mooday aysan u socon.