Xog: Sababta R/W CC loogu bah-dilay NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Wafdiga uu hogaaminayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa bahdil xoogan kala kulmay laamaha amaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi kadib markii inka badan 3 saac lagu hayay qeybta VIP ee garoonka.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in wafdiga sababta halkaasi loogu xayiray ay tahay kadib markii diyaaradooda aysan marin garoonka degmada Wajeer oo waajib ay tahay iney maraan diyaaradaha ka duulo magaalada Muqdisho ka hor inta aysan gaarin magaalada Nairobi.

Sarkaal ka tirsan laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in amni ahaan loo hakiyay socdaalka wafdiga ra’iisul wasaaraha, balse markii dambe loo ogolaaday iney kasii duulaan dalka Kenya iyaga oo kusii jeeday dalka Turkiga.

Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan qeylo dhaan buuxda ka muujiyay markii madaxweynaha Soomaaliya uu hortooda ka sheegay in loo baahan yahay in madaxda dowlada Soomaaliya horseed u noqdaan baaritaanada amaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan marka ay ka duulayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Iyadoo xildhibaanada ay mooshin kaga jawaabeen hadalka madaxweynaha ayaa dad badan waxay maanta hadal hayaan bahdilka Kenya ay ku sameysay xildhibaanada baarlamaanka iyo wafdiga uu hogaaminayay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa maanta hal heys ka dhigtay seddex daqiiqo ayay diideen seddex saac ka badan ayaana la hayay iyo erayo kale, maadaama ay la yaabay sida loogu bahdilay garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com