Xog: Beesha caalamka oo Ugaaska Xawaadle hordhigtay laba qodob iyo Ugaaska oo lagu wado in…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu gudaha Asbuucaani gaari doono magaalada Jowhar ee xarrunta maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ugaaska uu aqbalay in labada Gobol loo dhiso hal maamul oo mideeya, waxaana jira macluumaad sheegaya in Ugaaska uu soo foodsaarat culeys dhanka xubnaha reer galbeedka ka jooga Somalia.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif , ayaa waxaa la sheegay in lagu amray inuu gaaro magaalada Jowhar isla markaana uu wax ka dhiso maamulka Cusub ee maalmaha soo socda Madaxweynihiisa la dooran doono.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa waxaa magaalada Jowhar uga hormari doona xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa sidoo kale waayay qaar kamid ah xubnihii ku wehlinaayay mucaaradnimada kuwaasi oo ay DFS ku guuleysatay inay ku biiriso shirka Jowhar.

Laba kamid aheyd xubnihii ugu danbeeyay ee wehlinaayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa mid kamid ah waxa uu Asbuucii tagay ku biiray shirka Jowhar, waxaana sidaa ku haray Ugaaska iyo Hal Nabadood oo kale.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa la sheegayaa in la hordhigay labo arrin oo kala ah inuu ku biiro shirka Jowhar ama inuu faraha kala baxo howlaha la xiriira Siyaasada iyo nabadeynta Beelaha Hiiraan.

Dowlada Somalia iyo IGAD ayaa horay ugu fashilantay inay xal u hesho Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo dhowr Nabadoon oo uu ku heystay magaalada Beledweyne, hayeeshee waxaa iminka arrintaani fududeeyay xubnaha dowlada Mareykanka ka jooga Somalia.

Docda kale, Dowlada Somalia kama aysan hadal wararka sheegaya in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ku biiraayo shirka heerka gabagabo ah ee lagu dooran doono Madaxweynaha maamulka cusub ee Hir-Shabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com