Xog: Cabdi Weli oo ku dhex jiray Gen. FARTAAG iyo Axmed Madoobe kadib…

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa xal u raadinaya xallinta khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba Jeneral Fartaag iyo Hoggaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Khilaafkani ayaa ah mid waayahaan danbe aad u soo shaac baxayay waxaana labada dhinac ay indhawaalaba ku kala sugnaayeen Gedo iyo Kismaayo.

Waxaa meesh ka sii baxaya rajada uu ka qabo Fartaag in uu dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo, kadib markii uu dhawaan gobolka Gedo tagay, waxaana warar hoose sheegayaan in Fartaag iyo Axmed Madoobe aysan isku wanaagsanayn tan iyo markii uu Kismaayo booqday R/Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, horaantii sanadkaan.

Fartaag ayaa sidoo kale ka carrooday kadib markii maleeshiyada Raaskambooni ay dilal badan kula kaceen dad beeshiisa u badan oo ku noolaa Kismaayo.

Xubno ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in dhinacyada is khilaafsan inuu u kala dab-qaadayo Ra’iisul Wasaaraha waxaana dhawaan la filayaa in Fartaag uu Muqdisho soo gaaro, si uu ula kulmo Cabdi Weli.

Maamulka Jubba, ayaa weli dhaafi la’ magaalada Kismaayo, xilli xubno uu u kala jabay, ayada oo la isku hayo arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com