Xog: CCC oo socdaal kale u baxaya xilli khilaaf…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyay shabakadaha wararka dalka Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Masar ay Casuumaad u fidisay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Qoraalka ayaa waxaa laga soo xigtay Xusaam Alqawaysh oo ah Afhayeenka Rasmiga ee Xukuumadda Masar kaasi oo sheegay in Masar ay marti galineyso Ra’isul wasaare Cumar oo uu sheegay in Madaxda Masar uu kala hadli doono xakameynta qulqulka Muhaajiriinta Soomaalida.

Xusaam Alqawaysh, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Masar Abdifitaah Al-siisi uu diyaar u yahay in Somalia uu ka garabsiiyo dhammaan baahiyahooda ku aadan dhinacyada Siyaasada, amaanka iyo wixii tala-wadaag ah.

Xusaam Alqawaysh, waxa uu intaa raaciyay in Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid uu wakhti qaadan doono joogitaankiisa magaalada Qaahira, isaga oo ujeedka ugu weyn ku sheegay inay tahay arrimaha Tahriibka, Doorashada iyo in Masar ay kaalin muuqata ka qaadato amniga.

Xusaam Alqawaysh ma uusan sheegin wakhtiga rasmiga ah ee Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu gaari doono Qahira, balse waxa uu cadeeyay inay u fidiyeen Casuumaad.

Haddalka Xusaam Alqawaysh iyo Casuumaada Sharmaarke ayaa imaaneysa xili maalmo un ka hor Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga ay ku dhinteen ku dhawaad 500 Muhaajiriin Soomaali ah oo ay la degtay doonyo ay la socdeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com