Xog: C/fataax Xasan oo shirqoolkii ugu yaabka badnaa looga reebay tartanka Aqalka Hoose

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ka mid ahaa musharixiinta u taagan aqalka hoose ayaa shirqool la yaab leh loo dhigay si looga reebo tartanka.

Musharaxan oo kusoo baxay liiska musharixiinta u taagan kursiga Beesha Cali-Madaxweyne/Xawaadle ayaa mar qura laga waayay inuu kasoo xaadiro goobtii doorashada shalay ka dhacday ee magaalada Jowhar.Kursiga waxaa ku tartamayay sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada musharixiinta kala ah:

1-Dahabo Xasan Axmed
2- C/fataax Xasan Afrax
3- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
4- Xasan Cali Cabdi
5- C/raxmaan Jimcaale Cusmaan<

Xogta ayaa sheegeysa in Mushraxa C/fataax Xasan Afrax loo diiday inuu galo goobta Doorashada iyadoo lagu dalbaday ciidamadii ilaalada ahaa oo ka hor istaagay inuu gudaha u galo xarunta Doorashada inkastoo uu watay shahaadadii musharaxnimadiisa.

Arrintan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageersanaa C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Waxaa lagu tilmaamay shirqoolkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar, sidaasina Musharax C/fataax Xasan Afrax wuxuu ku waayay kursigii uu tartanka ugu jiray, inkastoo rajadiisa aanay markii horeba wanaagsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com