Xog cusub: Maxaa ka jira wararka sheegaya in Imaaraadka uu xaal marin ka bixinaayo weerarkii Hooyga Qeybdiid

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar dhawaan ay ciidamada daacada u ah Imaaraadka ku qaaden Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Gole ee Somalia Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Weerarka ayaa ugu danbeyntii ku biya shubtay Ciidamada daacada u ah dowlada Imaaraadka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaa oo aan weli sabab u yeelin weerarka.

Dowlada Imaaraadka oo garwaaqsan weerarka ayaa la xaqiijiyay inay soo faragalisay buuqa ka dhashay weerarka waxaana la sheegayaa inay ogolaaden bixinta xaal marin.

Diblumaasiyiin Imaaraadka ka jooga Somalia oo ku baxay buuqa ayaa la sheegay in Qeybdiid ay wada galeen Heshiis uu biyo dhiciisu yahay bixinta xaalmarin, waxaana soo maxaaya warar kala duwan oo ku saabsan waxa ay noqon doonto xaalmarinta.

Ilow ku dhow dhow Qeybdiid oo aan kasoo xiganay xogtaan ayaa sheegay in xaalmarinta ay tahay mid lagu bixin doono dhaqaale iminkaba ku jira gacanta Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho.

Diblumaasiyiinta Imaaraadka ayaa arrinta dhacday kala xaajooday Qeybdiid, waxaana lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan xal buuxa laga gaaro xurgufta ka dhalatay weerarka Hooyga Qeybdiid.

Dhinaca kale, Ciidamadii qaaday weerarka ayaa qirtay in falka weerarka uu ahaa mid ku dhacay qaab khaldan, hase ahaatee khaladkaasi uu ahaa mid ka imaaday dhanka Saraakiisha amarka lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com