Xog cusub: Somaliland oo ka fakareysa in ay ka baxdo heshiiska saldhigga Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa laga yaabaa inay dib uga laabato heshiiska saldhigga milatariga Imaaraadka ee Berbera kadib doorashada madaxweyne, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye, ahna musharax madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi ayaa saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga u sheegay inuu ka welwelsan yahay caqabadaha ka iman kara saldhigaas.

Biixi oo si aad ah ugu dhow dalalka reer galbeedka iyo Ethiopia, ayaa bishii May wada-hadallo sir ah la yeeshey saraakiil ka socotay Ethiopia, oo sidoo kale ka walaacsan saldhiggan, inkasta oo markii hore la sheegay in Ethiopia ay raali ka tahay.

Saldhiggan, ayay Ethiopia u aragtaa mid gebi ahaanba meesha ka saaraya awoodeedii Geeska Afrika.

Muuse Biixi, ayaa xubno ku dhow u sheegay in haddii uu ku guuleysto madaxweynenimada Somaliland, uu ka fakari doono, sidii uu u nasakhi lahaa heshiiska saldhigga Imaaraadka ee Berbera.

Hanjabaadda Muuse ee ah inuu ka baxayo heshiiska, ayaa loo arkaa inuu taageero uga raadinayo dalalka reer galbeedka, oo sidoo kale kasoo horjeeda saldhiggan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com