Xog cusub: Taliyayaal ka tirsan DF oo is-laayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Shalaambood uu toogtay Taliyaha Degmada Qoryooley Axmed Gaabow Buule iyo ku-xigeenkiisa.

Taliyaha dilka geystay iyo labada Taliye ee la dilay ayaa la sheegayaa in xiligaasi ay ku guda jireen Howlgal lagu raadinaayay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Taliyaha Shalaambood ee dilka Geystay ayaa xiligaasi ku sugnaa Degmada Qoryoole, waxa ayna Saraakiisha qaar sheegen in xiliga uu dilka geysanaayay uu ahaa mid cabsan.

Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay Taliyaha dilka geystay, waxaana la tilmaamayaa in dilkaasi lagu hayo baaritaan la xiriira qaabka uu u dhacay.

Maggaalada Qoryooley ayaa qiyaastii 120km dhanka Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com