Xog: DENI oo damacsan in uu isbeddel ku sameeyo sirdoonka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku howlan yahay qorshe ku aadan isbeddel lagu sameynayo hoggaanka hay’adda sirdoonka maamulkaasi ee PISA.

Deni ayaa ka fakiraya xilka qaadis la filayo in dhowaan lagu sameeyo agaasimaha guud ee Hay’adda PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte), sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo.

Mukhtaar Jeyte ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 23-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii.

PISA ayaa ka kooban hay’addii nabad sugidda ee PSS iyo hay’addii sirdoonka ee PIA oo la mideeyey, waxaana kadib loo sameeyey hal Agaaasime oo kaliya.

Hay’addan ayaa si weyn ula dagaalanta kooxaha argagxisada, sida Daacish iyo Al-Shabaab, waxayna howl-gallada ugu badan ka fulisaa buuraha galagala ee gobolka Bari.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal xoogan iyo guux siyaasadeed oo si weyn looga dareemayo Garoowe, lamana oga waxa xilligaan ku soo beegay iyo qorshaha xiga ee Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horey isbedalo ballaaran ugu sameeyey hogaanka ciidamada maamulkaasi, sida Booliska iyo PFS-ta, waxaana qaarkood ka dhashay xiisado, sida dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ka dhashay xilka qaadistii agaasimaha hay’adda PSF-ta, Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo mar dambe xal waara laga gaaray.