Xog: Diidmada Laftagareen oo keentay in la weeciyo shirkii DF iyo D/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inay shir isugu yimaadaan dhowaan, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe, sida ay Caasimada Online werisay shalay.

Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa, si kastaba, sheegeysa in shirkaas uu markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Muqdisho, hase yeeshee uu diiday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu yimaado caasimadda. 

Ilo-wareedyo ku dhow Laftagareen ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sheegay in hadda iyo waqti u dhow aanu diyaar u aheyn inuu Muqdisho yimaado.  

Laftagareen ayaa la rumaysan yahay inuu weli aad uga caraysan yahay in dowladda federaalka ay xil wasiir u magacowday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, taasi oo la sheegay inuu u fasirtay in dagaalkiisa loo soo bareeray. 

Wixii ka dambeeyey magacaabista Roobow, Laftagareen ayaa xiriir dhow la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale aysan isku fiicneyn dowladda federaalka, isaga oo tegay Addis-Ababa iyo Jigjiga, sidoo kalena saraakiil Itoobiyaan ah ku qaabilay Baydhaba.

Shirka ka dhacaya Garoowe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, ayada oo wararku ay sheegayaan in madaxweynaha aanu xilliga diyaar u ahayn khilaaf iyo dagaal siyaasadeed, maadaama uu doonayo in si midaysan loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Si kastaba, maamul goboleedyada ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed u bareereen kadib markii ay shalay qaadeen tallaabo ay xiriirka iyo wadahsaqeynta ugu jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabadaas ay bilow u tahay kuwa ka waa weyn oo soo socda oo ay qorsheynayaan madax goboleedyada.

Maamullada ayaa la sheegay inay dib uga gurteen madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gadoodeen hanaankii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah, ayaga oo sheegaya in laga soo qaaday kuwa aan jirin.