Xog: Farmaajo oo bilo kadib shalay ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka degay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu tegay dalka Turkiga, halkaasi oo uu joogi doono muddo aan la cayimin.

Waxaa safarka ku wehlisa marwadii koowaad ee hore Zeynab Macallin, waxaana lagu sheegay safar nasasho.

Xubnaha Farmaajo ku dhowa ayaa sheegay in weli aysan waxba iska beddelin qorshaha madaxweynihii hore ee ah inuu ku noolaado caasimadda, ee aanu noqon doonin dibadjoog, taasi oo uu ballanqaaday markii uu xilka ka degay.

Farmaajo ayaa degan guri kiro ah oo ku dhow garoonka Aadan Cadde, oo bishii ah $25,000. Waxaa jira qorshe ay taageerayaashiisa guri ugu dhisayaan oo la billaabay markii uu xilka ka degay, balse ma cadda halka uu qorshahaas ku dambeeyey.

Farmaajo hadda waa xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan golaha shacabka, taasi oo uu xaq u siinaya madaxweyne kasta oo dalka soo mara tan iyo markii ay dhalatay dowladda federaalka.

Farmaajo ayaa qoraal uu saacado kahor soo saaray uga tacsiyeeyey geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole, oo xilka Jeneraalnimo uu isaga siiyey.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo shahiiday isaga oo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha arxanlaaweyaasha argagixisada ah,” ayuu yiri Farmaajo. 

“Janaraal Farxaan Qaroole waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo aanay ahayn markii koowaad ee uu kooxaha argagixisada ah kula dagaallamo deegaanka Basra iyo deegaannada kale ee ku teedsan xuduudda Gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.”

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiday, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa”