Xog: Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho oo la kala qaadayo iyo beelaha la kala siinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in dhawaan la kala qaadi doono Xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, oo muddo isku ahaa hal xl.

Dowladdii ugu dambeysay ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale (Yuusuf Boorsaani) ka dhigtay inuu yahay Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho waxayna aheyd arrin ay ka sinaayeen dowladihii ugu dambeeyey ee dalka Soo maray.

Haddaba xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeyso inuu madaxweynaha qorsheenayo sidii loo kala qaadi lahaa labadaan xil ee is korsaarnaan dhawaanahaan maadaama ay yihiin xilal muhiim ah oo mudan in la kala qaado.

Wararka ayaa sheegayo in duqa Muqdisho laga dhigi doono shaqsi kasoo jeedo Beesha Abgaal oo xilkaas dhawaan kala hadashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay xogtaan sheegeysaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo dhiibi doono shaqsi kasoo jeedo Beesha Shiiqaal maadaama dowladda cusub ay dooneyso inuu wadanka ka dhaco isbadal beeleed iyo mid siyaasadeed intaba.

Xogtaan ayaa waxaa nala wadaagay shaqsiyaad si weyn ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waana xog la isku haleyn karo 80% inkastoo ay  dhici karto inay wax is badalaan.

Xilkaan Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho ayaa xal xil isku ahaa dowladihii ugu dambeeyey ee soo mara Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com