Xog: Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka BANAADIR oo shallaay taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir loo dhiibay dhalinyaro da’ yar ah oo kasoo kala baxay Jaamacadaha dalka Sudan, ayaa waxaa hadana magacaabidaasi ka shaleynaaya inta badan Gudoomiyayaasha.

Seddex kamid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka oo magacooda ka gaabsaday sababo jira awgeed, ayaa sheegay inay aad uga shaleynayaan xilalka ay hayaan, kadib markii ay sheegen in Ujeedkooda uu ahaa inay waxbadan ka bedelaan xaalada dalka iyo tan degmooyinka ay hayaan, balse nasiib daro aysan dhicin arrintaasi.

Waxa ay sheegen in dhowr bil aan lasiin mushaaraadkii ay ku lahaayen Gobolka, halka xiliyada qaarna ay suuragal tahay inay u qaatan bil dhaaf, taasina ay keentay niyad jab baaxad weyn.

Waxa ay siyaabo kala duwan u tilmaamen inay ku jiraan guryo iijaar islamarkaana ay u baahan yihiin qancinta Istaafkooda, hayeeshee xiliyada qaar aysan dhaqaale u hayn ciidamadooda.

Sidoo kale, waxa ay aad uga shaleynayaan dadaalkii ay ku bixiyeen helida xubinta ay ka hayaan Gobolka banaadir, balse ay ku joogan adkeysi.

Arrintaani ayaa waxa ay niyad jab ballaaran ku riday dhamaan shaqaalaha Gobolka banaadir oo iyagu la daaldhacaaya mushaar la’aanta ka heysata DF Somalia, gaar ahaan Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com