Xog: Hailemariam iyo Museveni oo kulmay xilli laga walaacsan yahay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa socdaal ku jooga magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, isagoo Madaxtooyada dalkaasi kulan saacado qaatay kula yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay dowlada cusub ee u curatay Somalia iyo kaalinta kaga aadan Maadaama labada dal ay Ciidamo ka joogan Somalia.

Kulanka labada Mas’uul oo ay banaan joog ka ahaayen Warbaahinta ayaa ilo diblomaasiyadeed waxay sheegeen inay kaga hadleen walaaca laga qabo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siyaasad gooni u goosad ah u muujiyey dalalka Amisom.

Hailemariam Desalegn ayaa la sheegay inuu Yoweri Museveni u sheegay in uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ku casuumay Addis-Ababa, balse uu ka cago jiiday kana doorbiday Sacuudiga.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Hailemariam Desalegn uu soo jeediyay aragti ku aadan in Ciidamada AMISOM laga saaro Somalia, islamarkaana xiriirka Diblumaasiyadeed loo jaro Somalia, sida aan xogta ku helnay.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sidoo kale Museveni u sheegay in Dowlada Cusub ee Somalia ay halis ku tahay labada dal, waxa uuna dal baday inay qaataan go’aan mideysan.

Yoweri Museveni, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo la qaatan kulan ay u dhan yihiin labada dal, waxa uuna arrin laga fiican yahay ku sheegay in lagu degdego go’aanada ku aadan jarista xiriirka iyo in Ciidamada labada dal laga saaro Somalia.

Yoweri Museveni, waxa uu intaa raaciyay in Dowlada Ethiopia looga baahan yahay inay qaboojiso Siyaasadeeda, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay kala kulmi doonaan waji ka duwan kii hore.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in labada Mas’uul ay kawada hadleen saameynta ay ku yeelankarto haddii la dhiso Xukuumad cusub oo lagu tashkiiliyay inay ka fiirsadaan Xiriirka kala dhexeeya Dowladaha deriska la ah Somalia, iyadoo Hailemariam Desalegn iyo Museveni ay isku raacen in halis cusub ay kaga soo food leedahay Somalia.

Dowladaha Ethiopia, Uganda iyo Kenya ayaa aad uga walaacsan gaabiska ay kala kulmayaan Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna walaacooda yahay mid ku-xeeran suuragalnimada go’itaanka Mashruuca ay Ciidamadooda ku joogaan Somalia.

Dhinaca kale, Hailemariam Desalegn, ayaa aad uga careysan diidmada dalabkii ku aadanaa in Madaxweyne Farmaajo uu gaaro magaalada Addis Ababa, waxa ayna taa saraqaaday dareenka Dowlada Ethiopia ee ku aadan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com