Xog kasoo baxday kulankii albaabada u xirnaa oo ay caawa yeesheen Farmaajo iyo Shariif ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah ayaa caawa Hotel Jaziira ee magaalada muqdisho ku dhex maray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Axmed iyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulankaan oo ahaa mid uu albaabada ku xirnaa oo weliba labada madaxweyne kaliya qol xirteen ayaa la sheegay in  madaxweynaha uga gol lahaa inuu Shiikh Shariif kala tashto cidda ku haboon Ra’isulwasaaraha

Madaxweyne Farmaajo oo ka digtoon in dowladdiisu ay la kulanto xaalad adag oo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaallaha ayaa bilaabay in xiriiro qarsoon uu sameeyo.

Sida ay sheegayaan dadka ku dhaw dhaw Farmaajo, madaxweynaha ayaa shalay kulan kale oo hoose albaabadana u xirnaa la yeeshay isla Shiikh Shariif Sh. Axmed  taasoo caddeyn u ah inuu soo hagaagay xiriirka labadaan shaqsi  waana kulankii labaad oo xiriir ah muddo laba maalin.

Farmaajo ayaa muddo 6 bilood ka ahaa Ra’iisul wasaare dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, taasi oo lala xiriirinayo in kaalin wacan ay ka qaadatay in bulshada Soomaaliyeed ay barato shakhsiyaddiisa iyo wax qabadkiisa.

Madaxweynaha ayaa dhawaan kulamo badan la yeelanayey siyaasyiinta, odayaasha, waxgaradka Soomaaliya si uu ugula tashto  cidda uu u magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ay dad badan ka war sugayaan.

Farmaajo ayaa si taxadar leh uga fikiraya cida uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabayo, waxaana maalmahan la gaarsiinayay dalabyo ka imaanaya beelaha Hawiye oo ku loolamaya xilka Ra’isulwasaaranimo oo ah shaqsiga qabto shaqada ugu badan ee dowladda.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com