Xog iyo fallanqeyn: Dhismaha ciidamada qaran maxaa ka horeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ugu dambeeyay ee ku soo idlaaday magaalada Muqdisho, waxaa aad loo hadal hayaa heshiiskii ay gaareen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Baraha bulshada iyo goobaha kale ee lagu qaxweeyo ayaa arintaan aad looga hadal hayaa, waxaana ruux kastaa oo ka hadlayaa marka laga hadlayo dhismaha ciidamada in loo baahan yahay in laga fakaro cidda dhiseysa ciidamada xooga dalka.

Waxaa qof kasta oo aad la shekeysato kuu sheegayaa inay wanaagsanaan laheyn in Soomaaliya ay yeelato ciidamadii ay laheyd dowladii dhexe ee dalka kuwaasi oo tayo ahaan iyo shaqo ahaanba wanaagsanaa.

Waxaa ugu horeyn loo baahan yahay in ciidamada badan ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya ee aan iyagaba is bar aqoonin in loo sameeyo barnaamijyo iyaga la isku barayo oo iyaga qarameynta laga bilaabo.

Waxaa horey u jiray barnaamij ahaa isku dhafka ciidamadda xooga dalka oo maamul goboleedyada qaarkood laga sameeyay, taasi oo haddii ay sii socon laheyd qeyb ka qaadan laheyd dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Soomaaliya aysan ku filneyn tirada ciidan ee hadda la shaaciyay oo loo baahan yahay in la gaarsiiyo ugu yaraan 50 oo askarta meletariga ah.

Sidoo kale waxay qabiirada kula wadaagayaan in loo baahan yahay in ciidamada booliska iyo dharcadka nabad sugida la badiyaa si loo helo xogaha dhanka amaanka loogana adkaado dadka amni darada geysanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com