“XOG iyo GORFEYN”: 6 Sabab oo uu Farmaajo ku waayay jagada Ra’iisul Wasaare-nimada Saacidna ku helay.

Shaki kuma jiro in dad badan oo Soomaaliyeed ay jeclaayeen inay arkaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somalia. Waxaa sidoo kale daah uusan saarneyn in Farmaajo uu muujiyay wax qabad cad, lix bil oo uu hogaaminayay hay’adda sharci fulinta dalka.

Ayada oo uu eegayo arrimahaas ayaa madaxweyne Xasan, waxa uu go’aankiisii ugu horeeyay ahaa inuu soo magacaabo Mr. Farmaajo, hase yeeshee ugu dambeyn uu ka laabtay kadib cadaadisyo xoogan oo isu biirsaday.

Haddaba, maxay tahay sababta loo magacaabi waayay Farmaajo, maadaama uu isku darsaday wax qabad iyo taageero shacab?

Waxaan isku dayeynaa inaan sharaxno dhowr qodob oo is biirsaday oo Farmaajo uu xilkaas ku seegay.

1 – Shacbiyaddiisa. Madaxweynuhu marnaba dhib kuma qabin inuu magacabao qof ka shacbiyad badan kana caansan, hase yeeshee dad isaga la taliyayaal u ah ayaa ku cabsi geliyay in awoodiisa iyo xilkiisa uu mugdi gali doono, haddii uu Farmaajo ka dhigo ra’iisul wasaare. Gaar ahaan waxaa arrintan aad ugu ololeeyay kooxda Damul Jadiid oo iminka saameyn weyn ku leh siyaasadda Somalia, oo ka cabsaday in Farmaajo uu wiiqi karo hamigooda siyaasadeed. Xusuuso kooxdan waxa ay kaalin xoog leh ku lahayd doorashadii Madaxweynaha, waxayna isku dayeysaa inay siyaasadda dalka saameyn weyn ku yeelato.

2 – Shariif Xasan Sheikh Adan. Qof walba waa uu ka dheregsan yahay heerka ay gaar siisan tahay cadaawadda ka dhaxeysa Farmaajo iyo Shariif Xasan Sheikh Adan. Shariif Xasan waa ninkii ka dambeeyay in Farmaajo xilka laga qaado, xilli uu si aad ah ugu mintiday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. Shariif Xasan waxaa weli uu hami uga jiraa wasiirka Maaliyadda, sidaa dateedna wuxuu aaminay in haddii Farmaajo meesha yimaado uusan xilkaas arki doonin. Weli ma cadda inuu xilkaas iminka heli doono, hase yeeshee waa hamigiisa.

Xusuuso Shariif Xasan waa ninkii madaxweynaha siiyay codadkii uu kaga soo gudbay wareega koowaad ee doorashada intooda badan. Si kastaba madaxweynaha Shariif Xasan wuu u diidi karaa wasiirka maaliyadda isaga oo iska ilaalinaya kacdoon shacbi, hase yeeshee hadduu uu yeelay taladiisa ahayd inuusan Farmaajo magacaabin cid la og ma lahan.

3 – Ethiopia iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Saacid, waxa uu muddo degenaa dalka Kenya. Waxaa uu sidoo kale xiriir dhow la lee yahay Dowladda Ethiopia, waxaana Caasimada Online ay xog ku heshay inay kaalin ku lahaayeen magacaabistiisa, ayna ka dhaadhciyeen madaxweynaha in Farmaajo uusan ku habooneyn siyaasadda iminka socota ee ah “Wejiyo Cusub”, sidaa darteedna loo baahan yahay weji cusub, islamarkaana Saacid uu yahay nin ku haboon arrintaas.

4 – Caasho Xaaji Cilmi iyo Tarsan – Xaaska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Caasho Xaaji Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Habar Gidir, Saleebaan, waxa ay loolan xoogan u gashay sidii ay u hor istaagi lahayd magacaabista Farmaajo, oo seygeeda oo ay aad beel ahaan isugu dhow yihiin Farmaajo loo magacaabi lahaa. Waxa ay madaxweynaha ka dhaadhicisay ayada oo kaashaneysa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan, in loo baahan yahay weji cusub. Waxa ay sidoo kale ayada iyo Tarsan ay madaxweynaha u sheegeen in haddii la magacaabo Saacid ay Caasho Xaaji Cilmi dowladda taageera buuxda uga gadi karto beesha ay kasoo jeedo ee Habar Gidir, oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.

5 – Damul Jadiid. Xog aan helnay goor dambe ayaa sheegeysa in Saacdi uu xubin ka yahay Damul Jadiid, balse aanu ahayn qof muuqda ama ku fir fircoon kooxda. Damul Jadiid waxa ay madaxweynaha ku lee yihiin saameyn xoogan. Inta badan xubnaha ku hareereysan iyo la taliyayaashiisa waa kooxdaas, waxaana ay dagaal xoogan u galeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen go’aan madaxweynaha ku magacaabi lahaa Farmaajo. Waxaa xitaa dhacday in maalin madaxweynu u yeeray suxufiyiinta si uu Farmaajo u magacaabo, hase yeeshee ay ugu dambeyn ayaga ka celiyeen, ayna ka dhaadhiciyeen Saacid oo ay u arkeen nin kooxda ka tirsan balse aan lagu ogeyn.

6 – Beesha Caalamka – Qodobkan, waa kan ugu weynaa ee madaxweynaha uu dhaafi waayay. Caasimada Online waxa ay xog ku heshay in madaxweynuhu diyaar u ahaa in dhammaan qodobada kale ee aan kor kusoo xusnay uu dhinac maro, balse uu meel uu dhaafo waayay beesha caalamka, gaar ahaan xafiiska QM ee Somalia ee uu hogaamiyo Mahiga. Ugu dambeyn markii madaxweynaha uu arkay dhammaan cadaadisyadii kale oo lagu diray diidmada beesha caalamka, ayuu ka weecday Farmaajo, welibana isaga oo jecel inuu magacaabo. Waxaa laga yaabaa in dad bada ay is yiraahdeen “Maxaa naga galay Beesha Caalamka?”, hase yeeshee siyaasaddu sidaas maaha. Mararka qaar waa inaad qaadataa go’aan aada og tahay inaadan ku faraxsaneyn.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo dowalddiisaba ee uu soo dhisi doono, waxaan u rajeyneynaa guul iyo inay noqdaan kuwa kasii fiican Farmaajo oo dadka iyo dalka wax u qabta.

FG: Ma nihin taageerayaal Farmaajo iyo mucaarad madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub midna, balse haddaanu nahay Caasimada Online kama leexano runta, haddii aan jecel nahay iyo haddii kaleba, iyo haddii nalagu jecel yahay iyo haddii kaleba, sidaa darteedna qoraal kasta oo aan qorno kuma farxad gelin karno qof kasta, oo waa qasab in dadka qaar ay dhibsadaan, balse fikirkaaga waad nagu biirin kartaa. Mahadsanid

W/Q: Axmed Cali Sheikh “Alaxmed”                                                                                                                                     Tifaftiraha Caasimada Online