Xog iyo Gorfeyn: Maxay tahay sababta uu Axmed Madobe uga laabtay hishiiskii Doolow ee shalay?

Sida aad la socoteen waxaa magaalada Doolow, Gedo ka dhacay hishiis la sheegay inuu dhexmaray hoggaamiyayaasha maamulka Jubba, ee Kismaayo iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ku ah maamulkaasi ee fadhigoodu yahay magaalada Garbahaareey, hishiiskaasi oo muddo saddex cisho ah loo fadhiyey magaaladaasi.

Dowlada Itoobiya ee jaarka ah dalka Soomaaliya ayaa si weyn uga shaqeyneysay inuu hishiiskaasi  dhexmaro siyaasiyiinta isaga soo horjeeda dhismaha maamul Jubbaland la dhaho oo ka hirgala saddexda gobol ee Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ay casumaad u wada fidisay labada dhinaca.

Garabka Kismaayo ka yimid waxaa ay kala yihiin:

1. Ahmed Madoobe : Hoggaamiyaha waqtiga kasii dhamaanayo, ee raba xil kororsi
2. Gen, Fartaag  : Kuxigeenka hoggaamiyaha waqtiga ka dhaamanayo, ee raba xil kororsiga
3. Gen, Darwiiskh : U qaabilsanaha arrimaha guddaha iyo ammaanka maamulka Kismaayo
4. Abdirashiid Jire: Guddoomiyaha Jubada dhexe

Garabka Garbahaareey ka yimid ee Mucaaradka ahna:

1. Maxamed Abdi Kaliil            : Guddoomiyaha gobolka Gedo
2. Shiikh Maxamed Awlibaax : Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca
3. Maxamuud Sayid Aden       : Wasiir hore, ahna siyaasi saameyn ballaaran leh.
4. Guddoomiyaha degmada Garbahaareey.

Markii uu bilowday wadahadalka ayaa dhinackasta laga dhageyso waxa uu ka qabo shirka iyo ujeedka meesha loo yimid, waxaana labada dhinac isku raaceen inay meesha yimaadeen kawadahadalka dhismaha Jubbaland, oo ay qabaan garabka Garbahaareey iyo  garabka Kismaayo oo qabay in dhismaha aan loo imaan ee dhameystir wixii dhisnaa ay u yimaadeen. Waxaana arrintaasi ay dhalisay buuq iyo sawaxan hareeyey shirka, waxaase xakameysay dowlada Itoobiya, taasi oo go’aamisay in toos looga wada hadlo wixii dan ah.

Mucaaradka waxaa ay gebi ahaan labadii maalin ee hore  shirka ka sheegeen inaysan Jubbaland dhisan aysan jirin, balse loo baahan yahay in wax waliba hadda la wada bilaabo, si loo saxo qaladkii dhacay laba sano ka hor. Waxaase arrintaasi diidayey maamulka Ahmed Madoobe hogaamiyaha u yahay.

Shalay ayaa waxaa shir uusan Ahmed Madoobe ku jirin waxaa uu dhexmaray garabkii mucaaradka ahaa oo dhan iyo garabkii kale ee Kismaayo, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Gen, Abdilaahi Shiikh Ismaaciil “Fartaag”. Waxaana halkii ka bilowday ismaandhaafkii ka taagnaa shirka inuu horey usii socdo, iyaddoo lagu sigtay in shirkaba gebi ahaan burburo, dowlada Itoobiya oo aan rabin in shirka burburo ayaa arrinta soo dhexgalay, kadibna u go’aamisay inay maanta isku soo noqdaan.

MAXAA HADDABA SHALAY DHACAY :

Mucaraadka oo u jeeda inaysan meesha kasoo socon wax xal ah oo ay rabaan raga Kismaayo ka yimid, ayaa waxaa ay go’aan ku gaareen inay qoraan warqad ay ku cadahay 5 qodob, kadibna ay hor dhigaan shirka, haddii la diidana ay gebi ahaanba shirka isaga baxaan. Haddaba markii shirkii la isugu yimid, ayaa Ahmed Madoobe waxaa uu mar kale kasoo dhexmuuqday shirkii, isagoona soo garab fariistay Gen, Fartaag.

Qodobada ay mucaaradka keeneyn oo aan farxad gelin Ahmed Madoobe ayaa ahaa:

1. Dib in loogu noqdo baarlamaanka ay garabka Kismaayo qorteen, oo ay odayaasha saxda ah soo xulaan.
2. Dib in loogu noqdo dastuurka aan la isku raacin ee Kismaayo lagu qoray.
3. In laga hishiiyo meesha ay noqoneyso caasimada maamulka Jubbaland.
4.  In shir dib u hishiisiin oo loo dhan yahay loo qabto dadka deegaanka
5. Doorashada 15 bishan la leeyahay waa dhaceysana dib loo dhigo.

Qodobadaasi kor ku xusan markii ay shirka ka akhriyeen mucaaradka ayaa waxaa diidmo weyn ka muujiyey Ahmed Madoobe, waxaana uu ka kacay shirka oo dhan, iyaddoo ay taasi keentay inuu hakad galo shirka, maxaa yeelay qodobada la horkeenay waxaa uu kasoo diiday dowlada Soomaaliya iyo dhammaan shacabka reer Jubbaland, ee horumarka dhankooda jecel. Mucaaradka ayaa dhankooda go’aansaday inaysan u cuntamin wax ka yar 5 qodob ee kor  xusan.

Dowlada Itoobiya ayaa daqiiqado kooban shir gaar ah la gashay Ahmed Madoobe, si ay ugu qanciso inuusan diidin qodobada ay wataan mucaaradka, waxaana mar kaliya shirka soo galay Ahmed Madoobe oo yiri “Dhammaan qodobada ku qoran warqadan waan aqbalay” kadib cadaadis kasoo fuulay Itoobiya.

Waxaa markiiba la gudagalay qabashada kulan saxaafadda loogu yeerayo, kaasi oo lagu shaacinayo in la hishiiyey, iyaddoo aan laga hishiin wadada loo marayo hirgelinta hishiiska sare ku qoran ayaa waxaa saxaafadda la hadlay dhinacyadii is horfadhiyey. Waxaa la isa saaray gacmo, waxaana la muujiyey dhoola-cadeyn aan ka duwaneyn kuwii horey la isugu muujin jiray. Maxaa yeelay Ahmed Madoobe, horey ayuu sidan oo kale hishiis aan hirgelin, balse qosol iyo gacmo isa saar ah ula galay Col, Barre Hiiraale.

MAXAA DHACAY 10 DAQIIQO KADIB OO UU SAMEEYEY AHMED MADOOBE?

Ahmed Madoobe oo ay ka muuqato inuu dib ugu noqday asxaabtiisa siyaasadeed ee aan Doolow joogin, islamarkaana ay la xumaatay hishiiska ay galeen, oo aysan si cad uga bixi karin ayaa waxaa ay bilaabeen farsamo kale, taasi oo inay magacaabaan Guddoomiye cusub oo gobolka Gedo ah, middaasi oo u muuqaneysa inay ka doonayaan kala bood ku yimaada iyaga iyo raga ay la hishiisyeen, si ay xalala ugu noqoto doorashada ay rabaan inay 15 bishan qabsadaan.

1. Baarlamaanka hadda jooga in la kala diro, ma ahan mid uu aqbali karo Ahmed Madoobe, maxaa yeelay waa kuwa uu isaga magacaabay, balse haddii dib loogu noqdo waxaa xildhibaanada cusub soo magacaaban odayaasha dhaqanka ee beelaha deggan Jubboland, taasina waxay keeneysa inuusan ku kalsoonan cod uu ka helo.

2. Dastuurka la ansixiyey ku noqoshadiisa, waxaa ay keeneysaa lafteeda caqabad badan oo kasoo wajaheysa sida uu u qortay oo wax badan laga baddelayo, sida meesha uu Caasimada Jubbaland ka dhigtay, oo aysan dadka deegaanka isku raacin.

3.  Shir dib u hishiisiin waa mid ay xasaasiyad ku qabaan Ahmed Madoobe iyo ragga kale ee la socda, maxaa yeelay shirkaasi dadka imaanaya si cad ayey uga hadli doonaa dhibkii deegaannkaasi ka dhacay iyo cida geysatay. Taasina waa nabar ku taagan ninkan raba in Madaxweyne mar kale loo doorto.

4. Doorashada 15 bishan dhaceysa oo dib loo dhigo, waxay ula mid tahay Ahmed Madoobe iyo ragiisa, sida inaysan xilkaasi kusoo baxeyn,sababtoo ah doorasho loo dhan yahay, waxaa imaanaya MIIDA iyo dadka waxgalka ah ee Jubbaland, taasina waxay ka jecel yihiin magaalo ay iyaga un ka taliyaan, oo cidii timaada ay dhici karto in la dilo, iska dhaaf inay doorasho isku soo taagaane.

Markii uu shalay Kismaayo ku noqday ayuuna horey uga dhawaaqay inuu yahay (Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland). Tanni waa farsamada uu ku doonayo in aan lagu soo gaarin doorasho loo dhan yahay oo dhacda, waxaanse la ogeyn talaabada ay dowlada Itoobiya ka qaadi doonto hishiiska ay waday ee la burburiyey.

Guddoomiyaha saxda ah ee Gedo Maxamed Abdi Kaliil, oo kadib wareegtada khilaaf abuurka ah ee uu soo saaray Ahmed Madoobe  ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay taasi tahay burburinta hishiiskii saaka la gaaray, isagoona intaasi ku daray inay dhankooda gebi ahaanba ka baxeen hishiiska, oo ay Ahmed Madoobe iyo ragiisa u aqoonsan yihiin rag jabhad ah, oo raba inay boob xil ku helaan.

“Ahmed Madoobe, sida uu uga baxay hishiiska ayaan annaguna uga baxnay, waxaanse sugeynaa dowlada Itoobiya oo shirkan waday waxa ay ka dhihi doonto. “ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Abdi Kaliil.

NIN MAALIN GUDAHEED HISHIIS GALAY OO KA BAXAY, MIYUU UMMAD HOGGAAMIN KARAA?

Ahmed Madoobe, dhaqankiisa waxaa ummadda reer Jubbaland uga filan waxa uu sameeyey, maxaa yeelay gelinkii hore hishiiskii uu galay,ayuu haddana gelinkii danbe burburiyey, waxaana nin ay ugu dararto khilaafka iyo in aan dadka saddexdaasi gobol deggan helin wada jir.

Dad badan ayaa hishiiska Doolow saaka ku farxay, balse aniga dhaqanka danbe ee Ahmed Madoobe ayaan sugayey oo kuma farxin, maxaa yeelay waa nin aan diyaar u aheyn maamul loo siman yahay in la dhiso, waxaana dad ila soo xiriiray aan ku iri “Ahmed Madoobe, ballan ma leh ee maalmo yar suga”, waxaase kasii daran maalmihii aan siiiyey xitaa ka yar ayuuba uga soo hormaray burburinta hishiiska.

IGAD, dowlada Soomaaliya iyo shacabka Jubbaland, waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga qaataan qofkii jabiyey hishiiskii saaka la wadagaaray, maxaa yeelay ummadda uma afduubnaan karaan koox ama shaqsi gaar ah.

Ahmed Madoobe, oo Madaxweyne mar kale loo doorto, waxaa ka horeysa dhaqankiisa ballan la’aanta iyo beenta oo laga daaweeyo. Sidoo kalana loo sheeko in uusan maamulkiisa Kismaayo soo dhaafeyn inta uu dhaqankaasi leeyahay. Tusaalana waxaa ugu filan in laba sano uga dhamaatay halkaasi.

W/Q: Ahmed Farah Ali
Garbahaareey, Gedo

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid