Xog iyo Gorfeyn: Sirta ka dambeysa booqashada Gaas ee Puntland iyo war aan farxad u lahayn Faroole.

Ra’iisul Wasaarehii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobollka Mudug, kadib markii uu kasoo farxashay howshii uu ka hayay Dowladda Federaalka Somalia.

Markii Prof. Gaas uu halkaas tagay aad ayaa loo soo dhweeyay, waxaanu yiri erayo ay ka mid ahaayeen “Waxaan usoo laabtay inaan ka qeyb qaato oo kaalinteedu ku biiriyo horumarka Puntland, dadkana aan la tashto”

Marka la fiiriyo booqashada Gaas, xilliga ay kusoo beegmatay, xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo inay ka go’an tahay inuu halkaas muddo sii joogo, waxaa soo baxay su’aalo siyaasadeed iyo war aan farxad u lahayn Madaxweynaha Puntland Cabridraxmaan Faroole.

Ujeeda Booqashada Gaas.

Gaas, waxa uu arkaa fursad dahabi ah oo uu kula wareegi karo hogaanka Puntland, isaga oo dhinacyo badan wax ka eegaya, taageero xooganna heysta.

Xaaladda Puntland ayaa ah mid iminka cakiran. Faroole waxa uu waqtiga kaga eg yahay 8-da January ee 2013, hase yeeshee waxaa ka go’an inuu shan sano oo kale ku darsado, habkuu doono ha usoo maro’e sharci iyo sharci la’aan intaba.

Hase yeeshee Faroole farqaha ayaa lagu dheggan yahay, oo waa laga diidan yahay inuu dastuurka ka tallaabsado.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Gaas uu deegaanada Puntland ka billaabi doono olole deg deg ah, balse xoog ku socon doona, isaga oo adeegsanaya lacag iyo taageero shacbi, si uu u noqdo Madaxweynaha Puntland.

Socdaalkiisa kuma koobna oo kaliya Gaalkacyo, ee waxa uu mari doonaa deegaanada Puntland oo idil, haba ugu weynaadaan’e Garoowe, Boosaaso, Qardhow iyo kuwa kale.

Faroole oo aan la dooneyn.

Intii uu hayay xilka ra’iisul wasaarenimada Somalia, Gaas waxa uu ogaaday in siyaasadaha Faroole aysan u wanaagsaneyn dadka deegaanka iyo Soomaalida oo idil, taasi oo Faroole uu ku kasabaday mucaarado xoogan, sidaa darteedna uu meesha ka tuuri karo.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aaminsan in maqaamka Puntland ee Somalia uu yahay mid aan daah saarneyn, hase yeeshee siyaasdaha kaligii talisnimo ee Faroole ay Puntland wax badan ku seegtay, ayna muhim tahay in Faroole uu meesha ka baxo.

Inkasta oo aysan ahayn xeer qoran, haddana xeer beeleedka Puntland, ayaa muujinaya in beesha Faroole ay qaadatay shanteedii sano, ayna tahay waqtigii ay jagada kusoo laaban lahayd beesha Gaas.

Xusuuso waxay ku billaabatay Cabdullahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Faroole, waana markii ay kusoo laaban lahayd jufada Gaas iyo allaha u naxariistee Madaxweyne Yuusuf, mana jiro qof iminka ka mudan Gaas, oo beesha ay soo xulan lahayd.

Waxaa kale oo xusid mudan in marka laga reebo labada beel oo ay kasoo kala jeedaan Gaas iyo Faroole, beesha gobolka Bari ay si aad ah u diidan tahay Faroole, taasi oo war wanaagsan u ah Gaas.

Taageerada DF.

Gaas waxa uu madaxweynenimada ku taageeray Xasan Sheikh, wuxuuna si marxabeyn leh xilkii uu hayay ugu wareejiyay Saacid, isaga oo aqbalaya siyaasadda cusub ee ah “Wejiga cusub”, waxaana taas beddelkeeda uu ka helayaa taageero xoogan.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxda Somalia ay si buuxda gadaal uga riixayaan sidii Gaas uu ula wareegi lahaa maamulka Puntland, taasi oo ay u arkaan inay aad isugu soo dhoweyn karto Dowladda dhexe iyo Puntland.

Xasan Sheikh, ayaa rumeysan in Puntland ay leedaahay miisaan siyaasadeed culus, oo ay muhim u tahay dowladda dhexe, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay sidii loo fariisin lahaa qof lala macaamili karo.

Qorshaha Gaas ma ahan mid hadda billowday, ee wuxuu socday muddo tan iyo markii uu ogaaday inuusan madaxweynaha Somalia heli doonin iyo ra’’isul wasaare midna, sidaa darteedna u Puntland u arkay fursad muhim ah iyo sidoo kale maqaam uu mar kale gorgorton siyaasadeed ku gali doono.

Faroole iyo Gaas waxa ay kala tageen muddo fog markii uu Faroole xansaday qorshaha siyaadadeed ee Gaas.

Si kastaba ku labaashada Gaas ee Puntland ma ahan war farxad u leh Faroole, oo lama oga sida uu madax xanuun ka yahay iminka. Hadadad dooneyso caddeyn, booqo website-ka radiyaha ku hadla afka Faroole iyo maamulka Puntland ee uu maamulo Maxamed Faroole oo ah wiilka Faroole ee Garoweonline.com, kaasi oo marnaba aan laga baahin booqashadii Gaas ee Gaalkacyo, xilli warbaahinta Soomaalida oo idil oo ay ku jirto Caasimda Online ay si wanaagsan uga hadashay.

W.Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online.