Xog iyo Gorfeyn: Xasan Sheekhow Dhagax Buur iyo JIG-JIGA aawey?

Waxaa la yiri hada ka hor baa 2 Wiil Wabi ku dhaceen, Ka dib odey adeerkood ah baa ka daba boodey oo wiilashii ka soo badbaadiyey wabigii iyo yaxaas cuni laha.

Mid ka mid ah wiilashii baa kii kale ku yiri War maxaa naloo lahaa adeerkeen waa xaasid waad aragtaa sida uu yaxaaska nooga so badbaadiyey e ,Kii kale baa u jawaabey oo yiri adeerkeen yaxaas na cuni lahaa nagama soo badbaadine aduunku waxuu ugu nacebyahey waxaan isaga aheen in uu wax cunaan .

Hadaba Xassan Shiikh Mohamoud Badd Ma badbaadinayee ee waxaan isaga aheen in ay wax cunaan ma jecla,Waa ninkii qadiyadii kilinka 5aad ku badashey ethiopian jaceyl,Waana shaqsigii ugu horeeyey ee madaxwayne qaran soomaaliyeed ah oo taga dhul la isku haysto ka dibna ku khudbeeya in dadka ku nool deegaankaas yihiin ethiopian aawey qadiyadii soomaalinimo? aawey wiilashii xornimadii dhulkii naga maqnaa nalooga diley 1964 iyo 1977.

Waxaan leeyahey Xasan kuwa badda gadey waxbana ma dhaamo oo barigii isna waa gatey balse ujeedka hada uu kusoo beegay Badda arinteeda waa siyaasad uu iskaga reebayey rag culeys siyaasadeed leh waana u qirayaa in u ku guuleystey arintaas dantii u ka lahaa.

Waxaan ogaadey in Damuljadiid yihiin siyaasiyiin cabqariyiin ah waliba ka horeeya soomalida kana faa,ideysta waxyaabaha soomaalida lagu kicin karo.

Fiiro Gaar ah:Qoraalkeygaan kuma taageerayo koox gooni ah balse waxaan cadeynayaa in xasan shiikh dhulkii somalia gatey walina qiimo raqiiis ah siistey lana mid yahey kuwa hada la eedeenayo loona baahan yahey in isagana u cadaalada maro.

Mar baa La isla Xisaabtami doonaa
Waad Mahadsantihiin
Qalinkii Deeq Ali hayaan(Norwey Moss)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com