Xog: Xasanow, taada diidnay anna tiina diiday!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxa uu shir uga furmay magaalladda Kismaayo wareeg ka mid ah Kulamadda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo looga arrinnsanayo aayaha Qaranka.

Madasha Shirka waxa uu u muuqday mid Nidaamsan, islamarkaana ay Madaxdu u muuqdaan kuwo u hamuun qaba in uu kulankooda ka soo baxo Natiijooyin u wanaagsan dadka iyo dalka hooyo.

Mas’uuliyiinta Soomaalida oo keliya ayaana Madasha ku wada sugan, iyadoo uu Hoggaamiye kasta doonayo inuu ka hadlo Aragtidiisa Siyaasadda iyo Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Maamulka Qaranka.

Waa hubaal inuu Hoggaamiye kasta qalbadda ku hayo Qoddobo u qarsoon, oo ku aadan Aragtidiisa, Hankiisa Siyaasadda iyo Kaalintiisa ku aadan Doorashadda Qaranka ee dhici doonto bisha September ee sannadkan.

Madaxda Qaranka waxay hanka ku hayaan ugu yaraan in mar kale Xilalka ay haatan hayaan loo soo dooran doono, si aysan uga hoobanin Masraxa Siyaasadda iyo Loolanka Doorashadda Madaxtinimadda.

Madaxda maamul gobaleedyadda waxaa dhamaantooda ay ka siman yihiin Hamiga Siyaasadeed ee gaarsiisan Heerka Qaran, gaar ahaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyadda ee horey Xilal Qaran uga soo qabtay Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka.

Waxaa la tilmaamaa inay Hamigaasi si gaar ah ugu jiro Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo Xilka Ra’isul wasaare Qaran ka soo qabtay Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo isagana Wasiirkii Amniga Qaranka ka soo noqday Dowladda Federalka ee haatan talada hayso ee uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo Shirka Wada-tashiga ee ka socda Kismaayo looga hadlaynin Ajendo ku salaysan Doorashadda Madaxweynaha soo socda, haddana waxa uu Hogaamiye kasta doonayaa inuu Shirka Wada-tashiga ku biiriyo Aragtidiisa uu u arko inay noqon karaan Buundo Siyaasadeed uu ugu tabaabusheysanayo Doorashooyinka Qaranka ee soo socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Calaw-siyaasadeed badan ka dhex jiro Qoddobadda ay Golaha Wada-tashiga Qaranka ka arrinsadaan, waayo weli lama qeexin inuu Madaxweyne Gobaleed isku soo taagi karo Doorashooyinka Qaranka iyo Inuu Labada Xil ee Qaranka iyo Gobalka isku sii hayn karo.

Qoddobkaasi iyo kuwo kale oo la halmaala ayaana u baahan in ay Guddiga Wada-tashiga Qaranka ka baaraan-degaan, si aysan dodo kale u dillaacin marka la gaaro Xilliga Doorashooyinka.

Madaxda ku shirsan Kismaayo waxay culayska koowaad saarayaan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, taasi oo ay ku kala qeybsan yihiin.

Qaar waxay ku dhegan yihiin in lagu sii dhaqmo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5, halka kuwa kalena carcar u qabaan in la tijaabiyo Nidaamka Deegaanka.

Marka la taxliiliyo biyo dhaca Labadaasi Aragti, waxay ugu dambeyntii ku soo biyo shubanayaan Hal Aragti iyo Hal Madal oo uu marjaceedu noqonayo Nidaam Qabiil Deegaameed.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Ood qaadisteeda iyo Jiidisteeda waa isla guri-geyntii, waxaana habboon inay Golaha Wada-tashiga Qaranka wada fahmaan in aysan kala duwanayn Awood-qeybsiga Nidaamka Beelaha iyo Awood-qeybsiga Nidaamka Deegaameedka.

Xeeldheerayaasha ayaana u arka inay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda waqti badan ku luminayaan Is-jiidjiidka Siyaasada, iyagoo og inay isku micno iyo isku hadaf yihiin Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha iyo Nidaamka Deegaanka.

Siyaasiyiinta Madaxa Bannaan ayaa rumeysan in Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5 habboon tahay in lagu sii dhaqmo, iyadoo la isku dheelitirayo Beelaha, lagana dhigo Awood-qeybsiga Nidaamka Beelaha ee Shanta Beelood, waayo Beelaha Soomaalida waxay u wada siman yihiin Dhalashadda Soomaalinimadda iyo Awoodaha Qaranka.

Markaynu doc kasta ka eegno, Hoggaamiyayaasha ka qeyb galayo Shirka Wada-tashiga Qaranka ee ka socda magaalladda Kismaayo waxaa la gudboon inay Danaha Khaaska ka horumariyaan Danaha Qaranka, la iskana ilaaliyo Isbaaro-siyaasadeed, Sed-bursi Kooxeed ama Beeleed iyo inay Shaqsiyaad kooban khatar geliyaan Masiirka Dowladnimo iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka Somalia.

W/Q U.N.A.A

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com