Xog: Jawaari iyo beesha caalamka oo u tashtay xubnaha madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xarunta AMISOM ee Muqdisho uga qeybgalay shir ay isugu yimaaden Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Jawaari ayaa shirkaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo ku saleysan arrimaha Doorashooyinka, waxaana la xaqiijiyay in Xubnaha Beesha Caalamka ay shirkaasi uga dhawaaqeen in Madaxweynaha KMG Somalia uu yahay Jawaari.

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiye Jawaari ayaa Xubnaha Beesha Caalamka ka aqbalay in si KMG ah uu usii hogaamiyo dalka waxa uuna sidoo kale, Xubnaha u sheegay inay kala cadeeyan cida amuuraha dalka mas’uulka ka ah.

Jawaari waxa uu soo hadal qaaday in Baarlamaanka Somalia uu caqabad Siyaasadeed kala kulmaayo Hogaamiyayaasha Madasha oo si KMG ah loo dhisay xiliga ay gabaabsiga aheyd Dowlada Xasan Sheekh.

Jawaari waxa uu sheegay in Madashu ay halis muuqato galineyso Somalia, maadaama Madashu ay isku bedeshay xarun lagu fuliyo danaheeda gaarka ah.

Guddoomiye Jawaari waxa uu Xubnaha ka hor cadeeyay in ka baarlamaan ahaan ay laaleen Jiritaanka Hogaanka Madashada, isagoo sababta ku sheegay in dalka uu leeyahay Baarlamaan.

Beesha Caalamka ayaa la xaqiijiyay in dhankooda ay ka laaleen Madasha Qaran, waxa ayna isku raaceen in wixii khuseeya arrimaha dalka ay si toosa u hoostagayaan Baarlamaanka Somalia.

Xubnaha waxa ay sheegen in laga soo gudbay mudada loogu tallo galay Madasha Qaran, hayeeshee iminka uusan jirin wax madal ah.

Tani waxa ay imaaneysaa xili todobaadkii hore Maxamed Cismaan Jawaari uu sheegay in Somalia ay leedahay Baarlamaan iyo shir guddoonkiisi sidaas darteed waxa loogu yeeri jirey Hoggaanka Madasha Qaranku ay tahay mid aan sharci haysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com