Xog: Kheyre oo xil cusub u magacaabay Yaxye Cali Ibraahim iyo xiisad ka dhalatay durba

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa taliyahiisa arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta u magacaabay agaasimihii guud ee Wasaarada arrimaha gudaha ee dhowaan xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.

Yaxye Cali Ibraahim oo isku beel yihiin Ra’iisal wasaare Khayre, ayaa markii Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Cabdi Farax Siciid ka diidey xil ka qaadista ku sameeyey, ayaa markii dambe ku aqabaley Kadib markii culeysyo siyasadeed ka yimadeen dhinacyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in talabadaan dib u soo celisay khilaafkii ka dhex jirey xafiiska Ra’isal wasaraha iyo Wasiirka arimaha gudaha iyadoo xogtaan sheegeyso in Cabdi Farax Juxa uu diidey xilkaan cusub ee loo magacaabey Yaxye Cali Ibraahim.

“Magacaabistaan waxay la mid tahay iyadoo shaqadii Wasaarada arrimaha gudaha la geeyey xafiiska ra’iisal wasaraha” Waxaa sidaas yiri qof ku dhow wasiirka arrimaha gudaha.

Lama oga sababta keentey in Ra’iisal wasare Khayre qaato go’aankaan, laakiin warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiriirka labada mas’uul u dhexeeya uusan wanaagsneyn tan iyo intii wasiirka arimaha gudaha safarka kaga soo noqdey Puntland, halka dhinaca kale xogtan ay sheegeyso in Wasiirka kowaad ee Somalia uu ka baqayo aragtida Wasiir Juxa ka qabo arimaha Federaalka, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta.

Lama yaqaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono wasiirka arrimaha gudaha oo dareemaya in ra’iisul wasaare Kheyre uu faro-gelin xooggan ku hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com