Xog: Koox qowlaysato ah oo si xirfadeysan u dhacaya waalidiinta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dillaacay koox qowlaysato ah oo dhacaya waalidiinta ardayda sannadkan u fadhiisatay imtixaanki kama dambaysta ee dugsiyada sare ee sanadkan.

Kooxdan oo iska dhigaysa inay maamulaan Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo wacaya waalidiinta ardayda iyagoo ugu bishaaraynaya inay u hayaan ardayga ay waalidka u yihiin waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah.

Kooxdan oo magaca ardayga iyo waalidka haysta ayaa teleofonka waalidka ugu sheegayo inay yimaadeen xarumo aanay lahayn Jaamacadaha si ay u buuxiyaan shuruudaha aqbalida jaamacada, islamarkaana soo qaataan ID-ga uu ardayga imtixaanka ku fariistay iyo lacag dhan 35 dollar oo lagu diiwaan geliyo ardayga.

Hooyo Xaawo Shariif Nuur oo dhashay Maxamed Deeq Cabdisalaan Maxamuud kana mid ah ardayda sugeysa jawaabta natiijada imtixaanka dugsiga sare ayey kooxdaan taleefanka ka waceen, waxayna ku wargelliyeen in wiilkeeda uu ku guuleystay Jaamacad bilaash ah maadaama bey yiraahdeen uu ka mid noqday ardayda gudubtay.

Hase ahaatee Hooyo Xaawo Shariif ayaa ku wargelisay kooxda soo wacday ee qowlaysatada ah in weli aan lasoo saarin natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare, sidaasi darteedna uu galay shaki markii ay la xiriirtay dad badan.

Hooyo Xaawo ayaa ah qofkii seddexaad ee Caasimada Online la kulantay oo kooxdaasi waalidiinta dhaca u geysanaya.

Waxay Kooxdan burcada bilaaben dhaca dadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka sannadka 2021-2022.

Arrintan oo la yaab ku naqatay waalidka ayaan wax wara aanay ka hayn Wasaaradda Waxbarshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay ardayda iyo waalidiinta ugu digeysaa kooxdaan cusub ee ka dilaacay magaalada Muqdisho inaysan ku kadsoomin, kuna wargeliyaan goobaha waxbarashada iyo hay’addaha amniga.

By: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online