XOG Kulammo la isku mari waayay oo Cadaado ka dhacay

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in labadi maalin ee lasoo dhaafay magaalada ay ka dhacayeen kulamo is daba joog ah.

Kulamadaasi ayaa u dhaxeeya wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo odayaal ku sugan magaaladaasi oo ka wada hadlaya dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha iyo xubnaha Odayaasha ay maalmahaan isku fahmi waayeen  arimaha ku aadan in dowlada Soomaaliya ay taageereyso mid kamid ah musharixiinta.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa u sheegay odayaashii uu la kumay in dowlada Soomaaliya ay gar wadeen kaliya ka tahay shirka magaalada Cadaado.

Wuxuu u xaqiijiyay in marnaba  dowlada Soomaaliya aysan ka shaqeyn doonin iney kala qeybiso shacabka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxyaabaha la isku fahmi la yahay waxaa sidoo kale kamid ah soo xulista odayaasha keenaya ergooyinka dooranaya maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com