Xog: Kulan Villa Somalia ku dhex-maray Farmaajo, Fahad, Rooble iyo Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu xalay madaxtooyada Soomaaliya ku dhex-maray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo madaxwenaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha nabad-sugidda, kuwaas oo la shiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Inkasta oo aysan caddeyn wax rasmiga ah ee kulanka looga hadlay, haddana saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in looga xaajooday arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyada muranka dhaliyey ee musharaxiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen.

Kulanka ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga beddelo, sidoo kalena uu is-casilo Fahad Yaasiin, iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, oo la rumeysan yahay inay soo magacowday dowladda federaalka, balse uu magaciisa un ka saxiixay, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Si kastaba, kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya rajadii yareyd ee laga qabay in Qoor Qoor uu kusoo laabto dhex-dhexaadnimo kana soo baxo gacanta Villa Somalia, mana cadda sida ay mucaaradka ugu kalsoonaan karaan tallabo kasta oo uu qaado hadda kadib.