Xog: Kursigii ugu qaalisanaa Aqalka Sare iyo qarashka ku baxay

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dhaqaalaha loo adeegsanayo kuraasta laba aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo ay soo baxeen rikooro cusub oo lala yaabo.

Baaritaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Kursiga ugu qaalisan ilaa iminka uu noqday kursi ka mida Aqalka Sare oo lagu doortay magaalada Cadaado.

Kursigan waxaa ku guuleystay milkiilaha Idaacadda Goobjoog FM iyo agaasimihii hore ee madaxtooyada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ninka lagu macgaabo ABSHIR AXMED MAXAMED (BUKHAARI).

Kursigan wuxuu qiimahiisa ku kacay lacag ku dhow 1.5 Milyan oo doolar (Hal Milyan iyo Bar Doolar), waxaana ku loolamay saddexda musharax ee kala ah:<

Abshir Axmed Maxamed (Ganacsade iyo milkiilaha warbaahinta Goobjoog FM)

Axmed Cabdi Kaahiye (Maareeyaha xigeenka Dekadda Muqdisho)

Kamaal Daahir Guutaale ( Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir)

Musharixiinta ku loolamay kursigan ayaa lagu qiyaasay lacagta ka baxday inay ka badan tahay 2 Milyan oo Doolar, waxaana kaalinta labaad ku jira musharax Axmed Cabdi Kaahiye oo lacag ku dhow Nus Milyan Doolar ku bixiyay kursigan, halka Kamaal ay dhowr boqol ku gaartay.

Lacagta intaan la eg ayaa lagu bixinayaa hal kursi oo ka mida aqalka sare xilli goonta doorashada ka dhaceysa ay ku sugan yihiin dad fara badan oo tabaaleysan, abaar ba’an ka jirto degaanada la doonayo in la metelo.

Sidaasoo ay tahay Abshir Bukhaari oo ka tirsan kooxda Aala-sheekh wuxuu doorashadii kursigan kadib booqday dad soo barakacay oo masaakiin ah, isagoo u qeybiyay Bacyaal, una balan qaaday dadkaas masaakiinta ah inuu wax u qaban doono.

Kharashka khiyaaliga ah ee ku baxaya doorashada 2016 iyo heerka uu gaaray Ganacsiga siyaasadda iyo xilalka dalka ayaa hordhac u ah nooca uu noqon doono tartanka kursiga Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com