Xog: Labadii nin ee khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli uu ka dhashay oo kulmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Osman Jawaari uu wado qorsho gaar ah uu ku kulansiinaayo Ra’iisul wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Faarax C/qaadir.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xal u raadinaaya Khilaafka ayaa waxaa la sheegayaa in talaabada ugu horeysa uu qaadayo ay noqoneyso kulan qaas ah oo uu isugu keenayo C/weli iyo Faarax maadaama bilowga Khilaafka uu ahaa mid labadaasi Mas’uul ka dhex curtay.

Sidoo kale, Jawaari ayaa waxaa la filayaa in natiijada kasoo baxda shirka u dhexeyn doona Labada Mas’uul uu u gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, si loo qafiifiyo Khilaafyada Xasan iyo C/weli u dhexeeya waa haddii uu Faarax muujiyo dabacsani.

Dhanka kale, Jawaari ayaa gudaha Asbuucaani Wakhtigiisa ku bixin doono xal ka gaarista Khilaafka qaatay Seddexda asbuuc, inkastoo aan laga sii hordhici karin natiijada hadana waxa ay u muuqaneysaa mid uu Jawaari xal ka gaari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com